
16th November 2025 admin Category :
Dawladda Federaalka oo taageertay hadalkii Firdhiye ee ahaa Sanaag ayaa nagu soo biiraysa.
Hadalkii uu maalintii shalay sheegay hogaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye, ee ahaa “Sanaag oo isku dhan ayaa lagu dhamaystirayaa Khaatumo, iyada oo aynu qabanayno shirweyne bisha July oo ay nagu hoggaaminayso Dowladda Federaalka, kaddibna doorashadii guud ayaan qabanaynaa.
Sida muuqata dawladda federaalka ayaa cadaysatay inay doonayaan inay dagaal sokeeyey ka bilaabaan gobolka Sanaag oo dadkiisu intooda badan ka mid yihiin waxna ka dhisteen maamulka Puntland oo ayna jirin meel ay kaga baxeen.








