26th April 2024  admin  Category :

Dawladda Soomaaliya maxay ka tiri in Imaaraatku joojiyay kaalmadii ciidan ee uu siin jiray Soomaaliya?

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ‘dacaayad’ ku tilmaamtay warar sheegaya in uu hakad ku yimid mushaarka qaar ka mid ah ciidamada dawladda, sababo la xariira in mid ka mid ah dalalka shisheeye ee ciidamada Soomaaliya ka caawin jiray mushaarka uu joojiyay lacagihii kaalmada ahaa ee uu bixin jiray.

Warbaahinta qaar ayaa qortay in xidhiidhka Imaaraadka iyo Soomaaliya uu hoos u dhacay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay heshiish difaac la gashay waddanka Turkiga oo ciidamo u tababaraayay Soomaaliya muddo sannado ah.

Inkasta oo uu wasiirku ka gaabsaday in uu si gooni ah uga hadlo warka la xiriira in dawladda Imaaraadku jartay deeqdii ay bixin jirtay, hadana waxa uu sheegay “in ciidamadu xuquuqdoodii ay helaan”.

Heshiiskaan Turkiga uu la galay Soomaaliya ayaa dhigaya in 10 sanno uu Turkigu ilaalin doono xeebaha Soomaaliya, ciidamo badeedna u dhisi doono Soomaaliya. Heshiiskaas oo ka koobnaa mid dhaqaale iyo difaaca ayaa sidoo kale waxa ay Soomaaliya ay heshiiska dhanka ka faa’iideysiga kheyraadka badda la saxiixatay dawladda Turkiga

“Waa nasiib darro in 2024 ka, December, iyada oo ay baxayaan ciidamadii Amisom in al Shabaab ay dib u soo noqdaan ama xarumihii laga qabsaday ay dib ugu soo noqdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kaboole.

.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18 bil ka hor ku dhawaaqay inay dawladiisu bilaabeyso dagaal ka dhan ah al Shabaab, kaas oo ka dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Kadib guulo hordhac ah oo ay gaareen ciidamadu kuwaas oo ay kula wareegeen deegno badan, ayaa waxaa dadka u dhuun daloola arrimaha ciidamada ay muddo sheegayeen in ciidamada dawladda ay xajin la’yihiin gacan ku haynta meelaha ay qabsadeen.

Camaara iyo Bacaadweyn oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda isaga baxeen ayaa dib waxaa u qabsaday ururka Alshabaab, sida ay baahiyeen kooxdu.

Ururka al Shabaab ayaa mid ka mid ah weeraradii ugu adkaa ee ay ka gaystaan furimaha, waxa ay ku qaadeen ilaa todobo saldhig oo ciidamada dawladda iyo kuwa macwisleyda ay ku lahaayeen deegaanka Caad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*