29th March 2024  admin  Category :

Sidee ku ogaan kartaa in madaxweynaha Puntland uu  soo dhisay dawlad tiro yar oo tayo leh

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, oo siyaasad ahaan u dabran Hagbadda iyo habka lagu doortay,  ayaa  waxa laga sheegay inuu soo dhisayo gole wasiiro oo tiro yar.

Hadaba sidee ku ogaan kartaa in dawladda uu soo dhisay Cabdul Ra’uuf ay tahay mid tiro yar.

Xeer baa jira ay isticmaalaan siyaasiyiinta beesha Majeerteen oo oranaya  Wasiirka beeshu ku leedahay  Federaalka waa inaanu noqon beesha markaas  madaxweynaha ka ah Puntland. Madaxweyne Deni oo Qardho ka soo jeedaa sidan ayuu wasiir kaga noqday   dawladda federaalka  markii uu Puntland   Faroole madaxweynaha ka ahaa oo ka soo jeeday  Garowe. Juxa iyo Cawad oo ka soo jeeda Garowe  wasiiro ayeey ka noqdeen Federaalka   markii Gaas oo  ka soo jeeda Gaalkacayo uu Puntland madaxweynaha ka ahaa.

Xeerkan ay siyaasiyiinta Beesha Majeerteen isticmaalaan, haddii mid la mid ah uu sameeyo madaxweyne Deni oo   ah  beeshaydu hogaankii Puntland ayeey  haysaa, kursigana  kumana aanan  iman hal qof iyo hal cod  sidaas awgeedna sidaan uga kaaftoono wasiirka federaalka marka jufo inaga  mid ahi ay  hayso hogaanka Puntland ayaa maantana uga kaaftoomaynaa golaha wasiirada Puntland si loo helo midnimo iyo kursiga oo ii  xalaalooba.

Haddii uu arintaas  sameeyo madaxweyne Deni dawlad tiro yar oo tayo leh ayuu soo magcaabay, hadalkii uu yirina run buu ka sheegay

Ugu danbayntii  madaxweyne Deni  oo u dabran hagbadda uu madaxweynaha Puntland   ku noqday  oo inta badan Bulshada reer Puntland  aanay   taageersanayn xilligii uu murashaxa tartamayey ahaa   iyo isaga oo ku xiran qoyska reer Faroole oo aan sumcad fiican ku lahayn  guud ahaan bulsada Puntland, wuxuu sii curyaamayaa marka uu soo dhiso gole Faroole iyo Cali Cabdi Awaare ay  u soo qoreen oo Wasiirkii maaliyadda uu noqday mid beeshooda ka soo jeeda

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*