29th March 2024  admin  Category :

Dalkee ugu badan yihiin dadka isticmaala Internetka iyo baraha Bulshadu ku kulmaan

Aduunka hadda waxa telefoonka gacanta isticmaala dad gaaraya  5.11 billion , 100 million sanadkii hore ayeey ku soo biireen

Guud ahaan dadka aduunka ku nool  ee isticmaala internetka ayaa  waxay gaarayaan 4.39 billion
Dadka Baraha bulsada isticmaalaa waxay gaarayaan 3.48 billion.
3.48 billion Baraha bulsahada ku jiraa, 3.26 billion oo ka mid ahi waxay baraha bulshada ka soo galaan telefoonka gacanta

Dadka reer Filibiin, ayaa aduunka hogaaminaya isticmaalka Interneka, waqtiga ay maalintii interneka ku jiraan ayaa ah 10 saacadood iyo 2 daqiiqo. Kaalinta labaad waxa soo galay Baraasiil, iyagu waxay ku jiraan 9 saacadood iyo 29 daqiiqo. Kaalinta sadexaad waxa soo galay Thailand oo iyagu 9 saacadood iyo 11 daqiiqo isticmaala internetka
Baraha Bulsada, dadka caalamka ku nooli  waxay ku jiraan labo saac iyo 16 daqiiqo, halka Filibiintu ay  iyagu ku jiraan 4 saacadood iyo labo iyo tobon daqiiqo`

Celceliska   dadka isticmaala interneta aduunka waa 6 saac iyo 42 daqiiqo, dalka Japan ayeey ku nool yihiin dadka aduunka ugu yaraysta isricmaalka interneka oo waa 3 saacadood iyo 45 daqiiqo

ALLSANAAG.COM

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*