18th April 2024  admin  Category :

Qaramada midoobey maaha Qabiilo isu tegay ee Waa Qaranmo midoobey. Beeshii Isaaq Qabiil ayeey aqoonsi ku raadinayaan

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating oo dhawaan booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ayaa ka dhawaajiyay in maamulka Somaliland u aqoonsan yihiin qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Somalia.

Wuxuu sheegay in qofka go’aaminaayo in Somaliland ka madax banaan tahay Somalia uusan isagu aheyn, sidaasi darteedna sharciyada iyo qaanuunka Qaramada Midoobay, iyo Midowga Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka qeexaya inaysan aqoonsaneyn Somaliland, waxayna u aqoonsan yihiin inay weli Somalia ka tirsan tahay.

“Qaramada Midoobay waxaa xubno ka ah dowladdo badan, anigoo wakiil ka ah xoghayaha Qaramada Midoobay ma ahi kan go’aaminaya sharciyada Somaliland, waqti xaadirkaan beesha caalamka uma aqoonsana Somaliland dal madax banaan, waxayna u aqoonsan yihiin qayb ka mid ah Somalia”. ayuu yiri Michael Keating” ayuu yiri Michael Keating.

DAAWO

https://youtu.be/xVKzkHsnv08

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*