27th July 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha oo soo saaray wareegto waqtiga shaqo-galka shaqaalaha dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waqtiga shaqo galka ee shaqaalaha hey’adaga dowladda, iyadoo saacado dheeraad ah lagu kordhiyay waqtiga shaqo ee shaqaalaha.

Wareegtadan ayaa lagu faray Wasaaraddaha iyo hey’adaha dowladda inay shaqadooda soo xaadiraan Siddeeda subaxnimo (08:00am), lagana bixi doono afarta iyo barka galabnimo (04:30pm), sida waafaqsan qod. 26aad ee xeerka shaqaalaha Lr.11

Sidoo kale shaqaalaha dowladda ayaa maalinta khamiista shaqada ka bixi doona kowda iyo barka duhurnimo (01:30pm)

 

Halkan hoose ka akhriso wareegtada Ra’iisul Wasaaraha

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*