29th March 2024  admin  Category :

Dameerka ayaa waxuu ka mid yahay xayawaanada loo yaqaan Dad-lajoogta waxaana inta badan loo adeegsadaa in lagu fushado danaha iyo baahida markaas taagan oo uu Dameerku u leeyahay dul iyo dhabar adayg.

Dameerku waxaa inta badan loo tiriyaa sifooyin hoos loogu dhigayo oo ay ugu weyn tahay Dhoohnaanta, Axmaqnimo & Garaad darro aanu hore wax uga dhaadhicin.

 

Waxaa jiray Boqor si aad ah u jeclaa Dameeraha waxaanu lahaa beer weyn oo Dameeraha loo qoondeeyay halkaasoo uu ku ururin jiray wax allah iyo waxii bahda dameer ah isagoo ku fasaxi jiray Dameeraha inay siday doonaan ay u joogaan beertaas loo qoondeeyay,  halkaas oo ay ka heli jireen baad iyo biyoba. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa boqorkii shiriyay dameerihi isagoo ka codsaday inay degaano ay deganaayeen beeralay ay argagax iyo cabsi galiyaan ayagoo ci iyo orod kusoo maraya daafaha beer kasta kana soo baxaan intaan waagi ku dilaacin.

 

Mid ka mid ah dameeradii ayaa isagu nasiib daro orodkii, ci’idii & Xawaarahii uu goynayay ku dhex dhacay ceel ku yaalay Beer duleedkeed. Dadweynihii oo sida caadadu ahayd marku waagu beryo is weydiin jiray khasaarahii ay geysteen Dameeruhu ayaa ka war helay in mid ka mid ah dameeradii xalay weerarka ahaa uu ku dhex dhacay mid ka mida ceelashii beeralayda degmada.

 

Ninkii beerta lahaa ayaa waxuu isugu yeedhay intii deriska la ahayd waxuu go’aan ku gaaray inuu ceelka ka samro,  halkaasna ay ku xabaalaan dameerka.  Waxaana dhamaan dadkii ay soo qaateen qof waliba waxii uu qaadi karro, Baaldiyo ciid ah iyo dhagxaan iyo joonyado qashin ah waxaana lagu bilaabay inay ku dul shubaan ceelkii uu Dameerku ku jiray si ay meeshaas dameerka ugu duugaan.

Markii ugu horaysay oo ay dusha uga shubaan wasakhda ayaa dameerkii bilaabay inuu ci’idiisi iyo baroor kor u diro, hase ahaate muda yar kadib dameerkii waa juuq gabay oo aamusay. wakhti yar ka dibna ninkii beeralayda ahaa ayaa ceelkii hoos ugu degay waxuuna arkay arin fajac iyo yaab ku riday, marka Dameerka korka wax looga shubaba wuu iska tuuraa,  waxuuna sare usoo kacaa wax yar, halka qolyaha ceelka dul taagana ay wataan howshooda, mudo yar kadibna dameerkii ayaa si lama filaan ah debeda uga soo baxay oo jaanta rogtay, waxaa arintii yaab iyo amakaag ku riday ninkii beeralayda ahaa iyo deriskiisii siduu uga badbaaday Dameerkii qoobka iyo qaylada kula tegay degmadoodii beeralayda ahayd!!

Allsanaag.com

Maxamuud Cali Belbel

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*