5th January 2025  admin  Category :

Siyaasiyiinta Isaaq ee Muqdisho ku sugan maxay hadalkii Guulwade ugu bedesheen in Dalxa uu ka mid noqdo Guddiga wada hadalka?

Dhowr sano ka hor markii ay socotay ololaha Doorashada Xildhibaanada aqalka Sare ee Soomaaliya , oo horay loo sii sheegay in 18ka gobol ee Soomaaliya wax lagu qaybsanyo ayaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya, lagana soo doorto Koonfurta Soomaaliya, wuxuu aad ugu ololaynayey in Xildhibaanka Aqalka Sare ee ka imanaya Gobolka Sanaag ay qaataan beesha Isaaq.

Dalxa iyo Jaamac yare oo gudoomiye ka ahaa Guddi xilligaas loo magcaabay inay soo xulaan Xildhibaanada ka imanaya waqooyiga Soomaaliya ayaa sameeyey shirqool ay ku gacan siinayaan qaar reer Maakhir ah in Xildhibaankii Aqalka sare ee ka imanayey gobolka Sanaag uu noqdo qof ka soo Beesha Isaaq.

Hadaba yaa ku guulaystay shirqolkii maalintaas ka dhacay Muqdisho oo noqday Xildhibaanka Aqalka sare ee ka imanaya gobolka Sanaag

Nuuro Faarax Jaamac, oo ka soo jeeda beesha Habar yoonis , Isaaq ayaa ku guulysatay Xildhibaankii aqalka sare ee ka imanayey gobolka sanaag oo ay beesha Warsangeli ka degaan afarta degmo

Gabadha ku guulaysaty shirqoolkan ka dhacay Muqdisho oo Xildhibaan Dalxa gacan siinayey waxay ahayd xaaskiisa

Maanta mid la mid ah sirqoolkii maalintaas Muqdisho ka dhacay ayaa Siyaasiyiinta beesha Isaaq ka abaabuleen Caasimadda Soomaaliya oo Xildhibaan Dalxa ayeey ku darsadeen Guddigii markii horeba xaaraanta ahaa ee wada hadalka oo ay ka mid ahaayeen

Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Biyo Maal, Dirta Koonfureed

Cabdirxmaan Macalin Cabdulaahi Abgaal Hawiye

Cali Siciid Fiqi Raxanweyn

Axmed Jaamac Muuse, Habarjeclo, Dirta WaqooyI

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Dhulbahante, Daarood

Xildhibaan Dalxan, intaan lagu darin Guddiga wada hadalka, wuxuu ka mid ahaa Canaasiirtii lagu casumay Shirkii reer Caynte ee Heritage ee dhowaan lagu qabtay Jabuuti. Shirkaas oo ay maal geliyeen ganacsato ka soo jeeda beesha Isaaq oo dantoodu tahay inay Soomaali inteeda kale ka go’aan, siyaasiyiinta Koonfureedna gacanta ku dhigaan

Ugu danbayntii Guddiga wada hadalka ee ka imanaya Hargaysa Boqolkii boqol waxay ka soo jeedaan beesha Isaaq, halka kuwa ka imanaya Koonfurta Soomaliyana ay boqolkiiba sagaashan ay yihiin Irir samaale. Ninka la kala gadanayaa waa ninka duhur cad Xildhibaankiisii Aqalka sare laga diray, oo aan manta isaga oo Afar degmo ku leh gobolka Sanaag aan ku lahayn Xildhibaan Aqalka Sare

https://allsanaag.com/maxaad-kala-socotaa-guddiga-wada-hadalka/

https://allsanaag.com/3534-2/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*