19th April 2024  admin  Category :

Ma jiraa Xildhibaan Aqalka sare ah , oo ka soo jeeda beesh Warsangeli oo ka imanaya Waqooyiga Soomaaliya?

Ilaa hadda ma jiro Xildhibaan ka soo jeeda Beesha Warsangeli oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee ka imanaya Waqooyiga Soomaaliya. Hase ahaatee waxa jira Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Warsangeli oo Qaraabo ahaan  wax uga doonaya qaar ka mid ah Horjoogayaasha  Beesha Isaaq.

Arimahan hoos ku qoran ayaa cadayn u ah.

B-  Ilaa hadda lama sheegin  Xildhibaano Aqalka sare ah, oo ka imanaya Waqooyiga Soomaaliya oo loo qoondeeyey beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli. sidaas awgeed ma jiraan Xildhibaano  ka soo jeeda  beelaha Harti Waqooyi oo ku wada tartamaya Muqdisho.

T- Warqaddii uu qoray Xildhibaan Jawaari ayaa ujeedadeedu waxay ahayd in beelaha Harti Waqooyi, aan Xildhibaano aqalka sare ah  laga siin Waqooyiga Soomaaliya

J-  Guddiga lagu sheegay  inay soo xulayaan Xildhibaanada ka imanaya waqooyiga Soomaaliya. Dhamaantood waxay ka soo WADA  jeedaan beelaha  Dirta Waqooyi. Hal qof oo ka soo jeeda beelaha Harti Waqooyi kuma jiro. Sidaas awgeed looguma talo gelin ina Xildhibaano ka soo jeeda Harti Waqooyi ay ka yimaadaan Waqooyiga Soomaaliya

X- Gudiga loo saaray haddiI khilaaf ku dhex yimaado Xildhibaanada Aqalka sare ee  ka imanaya waqooyiga Soomaaliya, dhamaantood waxay ka soo jeedaan  beelaha Dirta Waqooyi.  Dad wada tartamaya, oo la ogyahay  ayaa khilaaf ka dhex yimaadaa, Harti Waqooyi looguma talo gelin inay ka tartamaan waqooyiga Soomaaliya,

KH- Gudoomiya Gudiga doorashooyinka Waqooyiga Soomaaliya wuxuu ka soo jeedaa  Dirta waqooyi, Isaaq, Ciidagale. Ku xigeenkiisu waa Dirta Waqooyi.

D- Maamulka Somaliland oo beelaha Isaaq ku midaysan yihiin, waxay ku bixiyeen lacag badan in Xildhibaano ka soo jeeda beelaha Harti Waqooyi ayna ka soo bixin gobolada  Sool iyo Sanaag. Si caalamka iyo Soomaalida inteeda kale ay uga dhaadhiciyaan in  yagu degaan oo  ay ugu  badan yihiin Goboladaas Sool iyo Sanaag,  Waa arin halisteeda leh

Iyada oo intaas oo arimood oo aynu kor ku soo sheegnay oo  beelaha Harti wax loogu diidan yahay la sameeyey oo ay jiraan , oo ay dhab tahay , oo aan la ogolayn jiritaankooda, ayaa hadana waxa jira Siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Warsangeli oo qaraabo dhow  yihiin ninka loo magcaabay  Gudoomiyaha  doorashooyinka Waqooyiga Soomaaliya Jaamac Maxamed Qaalib oo hooyadiis ka soo jeedo beesha Warsangeli, Bahogayslabe. Siyaasiyiintan reer Maakhir oo ehelka dhow yihiin Jaamac yare ayaa ka codsaday in lagu dhex daro Xildhibaanada beelaha Dirta Waqooyi oo wada tartamaya.

Ugu danbayntii Jawaari iyo Jaamac yare qorshahoodu waa cad yahay oo waa in Xildhibaano ka soo jeeda beesha  Daarood ayna ka soo bixin gobolada  waqooyiga Soomaaliya. Waxa la sugaa waa bulshada Sool iyo Sanaag oo mowqifkooda iyo rabitaankooda cod dheer ku sheega iyaga oo samaysanaya Gaashaanbuursi. Beelah a Dhulbahante iyo Warsangeli waa in Sool  iyo Sanaag ayna kula tartamin  beelaha Isaaq ee  lagu soo xereeyey xerada Xalane ama Dugsiga Booliiska. Siyaasigii sidaa sameeyo oo dhex booda oo kula tartama  Isaaqa  ku xeraysan xerada Xalane ama dusiga Biooliiska ee Muqdisho waa qof danayste ah oo an cidna metelin Sanaag  iyo Soolna u gacan gelinaya SNM

https://allsanaag.com/wareegto-aan-sharci-ahayn/

 

https://youtu.be/x33qHTY55JU

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*