26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Deni iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender ayaa kulan casho ah wada qaaday

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan casho ah kula qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyo saraakiil ka socda Safaaradda dalkaasi.

Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankaasi ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Fulinta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweyne Deni iyo Ambassador Ben Fender ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta Xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay, dhammaystirka mashaariicda hadda socota iyo qorshaynta mashariic horleh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*