26th April 2024  admin  Category :

Haddii siyaasiyiinta Ogaaden heshiiyaan, maxaa Plan B u ahaa Villa Wardhiigleey?

Degaan hoos taga degmada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxa ku dagaalamaya Beelo walaalo ah, xigto iyo xidid ah oo qarniyo, si walaaltinimo ah u wada deganaa Jubbaland.

Maanta Bulshaddii Qarniyada ku wada noola walaaltinimada ayaa dab la dhex dhigay, oo dhexdooda uu hadda ka socdaa dagaal ay wadaan siyasiyiin Muqdisho jooga, dagaalkan ayaa waxa ku dhimanaya labada dhinacba dad masaakiin ah oo awalba noloshu ku adkayd

Sida aan la socono KOOXDA VILLA WARDHIIGLEY, rajadii ugu weynayd ee ay ka qabeen in Jubbaland gacanta ku dhigaan waxay ahayd in beesha Ogaadeen dhexdooda ay ku dagaalamaan Jubbaland, oo had iyo jeer waxay taageero siin jireen siyaasiyiinta Seeraar iyo Xiddig oo ka soo hor jeeday madaxweyne Axmed Madoobe

Maanta Siyaasiyiintii Ogaadeen wada hadal nabadeed ayaa uga socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sidaas ayaa rajaddi Villa Wardhiigleey ay ka lahaayeen in beesha Ogaadeen ay ku dagaalaman Jubbaland ay ku dhimatay.

Qorshihii labaad ee VILLA WARDHIIGLEEY, ayaa ahaa in magaalada Kismaayo dhexdeeda dagaal ay ka ridaan , si taasi u suurto gashona waa in madaxa laysugu dhufto beelaha Hartiga ee ugu badan degaanada hoos yimaada magaalada Kismaayo.

Daahir Jeesoow iyo qaar ka mid siyaasiyiinta Hawiye, oo siyaasad ahaan looga adkaaday Jubbland ayaa qandaraaskan ka soo qaatay Muqdisho.

Qaar ka mid ah Beesha Jeesoow, oo sheeganaya inay Yihiin Beesha Cawramale ee Warsangeli, ayaa dhul xeebeed ku yaala Kismaayo waxay sheegteen inay ka dhisanayaan Deked u gaar ah beesha Hawiye oo uu horay u dhagax dhigay Goobaale xilliyaddii Walaalaha dooxda Jubba. Beelihii kale ee reer Guuraaga ahaa oo aan la socon siyaasadda ka socota Jubbaland iyaguna weerar ayeey ku qaadeen beesha Cawramale ee Warsangeli, halkaasna waxay ku dileen dad aan waxba galabsan oo degaankooda jooga.

Ugu danbayntii dagaalka ka socda Jubbaland waa dagaal siyaasadeed oo la mid ah kii gobolka Gedo ee lagu hubeenayey maleeshiyaadka beeleedka, umana baahna Jidbo dadka lagu kicinayo ee waxaa loo baahan ytahay ino loo wada istaago Colaadda la dhex dhigayo beelaha Walalaha ah ee Jubbland .Sidoo kale Xildhibaan Baasto waa inuu cadeeyaan inuu yahay Xildhibaan Jubbaland ah iyo inuu yahay siyaasi ay ku shaqaystaan Jeesoow iyo kooxdiisu

ALLSANAAG.COM

One thought on “Dagaalka Jubbland

  1. Haliye

    Waa qoraal muhiim ah oo indheergarad qoray.
    Waa in meel dheer laga Fekero oo aan laga dhex kaluumaysan Harti lana dhex galaa oo la isfahamsiiyaa inay iyaga laysku dilayo weliba Isimada Puntland arinta galaan oo ficil la yimaadaan iyaga oo la tashanaya Jubbaland.
    Allsanaag arintaan waa ku mahadsan yihiin waa inay hawsha Wacyigelinta halkaa ka wadaan. ( Ehel walaalo ah ).

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*