
11th June 2026 admin Category :
Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno magaalada Baydhabo, saaka dagaal ayaa ku dhexmaray ciidamo taabacsan Cabdicasiis Maxamed Laftagareen iyo ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan gudaha magaalada.
Qasaaraha ka dhashay dagaalka ayaan wali la xaqiijin karin, balse waxaa jira muuqaal lagu sheegay in ay yihiin askar ku dhawaacantay dagaalka oo lagu daabacay baraha bulshada.
Sida lagu daabacay bogga Facebook ee ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad, waxay sheegeen in ay gaari dagaal ku qabsadeen iska horimadkii saaka ka dhacay Baydhabo, iyo in magaaladu ay haatan nabad tahay.
Dhanka kale, afhayeenkii xukumadii Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis laftagareem, Ugaas Xasan ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa Facebook saaka ku sheegay “daraawiishta koonfur galbeed waxey sibuuxda ula wareegeen magaalada Baydhabo”, sheegasho aysan BBC du si madaxbanaan u xaqiijin karin.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo isbahaysi ah oo taabacsan maamulka federaalka ayaa 30-kii Maarso 2026 gudaha u galay, kuna guuleystay inay la wareegaan inta badan magaalada Baydhabo, iyaga oo meesha ka saaray xukuumadii uu hugaaminayay madaxweyne Laftagareen.







