
11th June 2026 admin Category :
Magaalada Milxo ee goboljka Sanaag iyo bililiqada ka socota.
Magaalada Milxo ee gobolka Sanaag, waa magaalada ugu amni xun guud ahaan gobolka Sanaag, waa magaalo aan maamul lahayn, waa magaalo habeen iyo maalin la bililiqaysanayo khayraadkeeda, Waa maagalo ay caadi ka tahay in Sunta lagu shubo degaanada Xooluhu daaqaan iyo Togaga Biyuhu maraan.. Waa magaalo dakhliga ugu badan ku baxaa maandooriyaasha
Magaalada Milxo, maaha in sidan lagu sii eegto oo inta khayraadkeeda la bililiqaysto aan haba yaraatee shilin dib lagu soo celin magaalada. Milxo ma laha Dugsi, Cisbitaal jidad iyo maamul toona.
Ugu danbayntii waxa la gaaray xilligii Mulkiilayaashii hore ee degaanku oo ah beesha Warsangeli ay dib ula soo noqon lahaayeen degaankooda, la tirakoobi lahaa Mashiinada yaala iyo guryaha ku yaal. Sidoo kale waxa la gaaray xilligii wax laga qaban laha mishiinada Dadka iyo xoolaha sumayna ee layska keensaday degaanka , iyadoo haba yaraatee cidna wax laga waydiin
.







