29th March 2024  admin  Category :

Dagaal galabta ka dhacay Buuraha Cal madow, ayaa inta la ogyahay waxa ku geeriyooday labo Askari oo ka soo jeeda beelaha Harti.

Allah ha u naxariisto Waxa galabta ku geeriyooday Buuraha Cal madow Axmed Wadaad Yare oo ka soo jeeda beesha Ismaaciil Cali, Cali Saleebaan, Majeerteen iyo Cabdulqadir Siciid Hurre oo ka soo jeeda Beesha reer Cali Muuse, Dubeys, Warsangeli. labadooduba waxay cawa ku naf waayey weerar gaadma ah oo Dadqalatooyinka Al-shabaab ku soo qaadeen degaanka Bali Khadar ee degmada Galgala hoos yimaada.

Waxaan uga tacsiyaynayaa ehelkii ay ka tageen xaasaskoodi ubadkoodi waalid walaal iyo dhamaan bulshada ay ka bexeen samir iyo iimaan badan alla ha inaka siiyo iyagana ilaahay ha u naxariisto janadisana ha geeyo.

ALLSANAAG.COM, NEWS@ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*