28th March 2024  admin  Category :

Taliska Qeybta Ee Booliiska Gobolka Bari oo Bandhigay Qaraxyadii Xalay la Qabtay iyo Ragii Watay

Taliska Qeybta Booliska ee gobolka Bari ayaa magaaladda Bosaso ku soo Bandhigay 5 nin oo La sheegay iney wateen waxyaabaha Qarxa islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Madaxtooyada.

Nimankan ayaa sidoo kale lagu soo qabtay Agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa, Gaari ay wateen iyo 5 Nin,Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobalka Bari Gaashaanle Dhexe C/Xakiin yuusf xusen ayaa fahfahiyay qaraxyadaas ladamaqsanaa in bosaaso laga fuliyo, Isagoona sheegay iney oga mahadnaqayaan ciidamadii Howgalkaasi fuliyay

Taliyaha qeybta boliska ayaa ka gaabsaday in uu ka waramo halka qaraxyadaas laga fulin lahaaa, waxaana uu shegay in lamaha Amaanka ay wadaan warbixino kadibna ay gadaal ka soo sheegi doonaaan, Doonan meelaha laga fulin lahaa Weeraradan Qaraxyada ah

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay sheegeeteen Kooxda Al-Shabaab, waxaana todobaadyo ka hor Maxkamadda Ciidamada Puntland dil toogasho ku fulisay illaa shan dhalinyaro lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, horayna dilal uga geystay Boosaaso.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*