26th July 2024  admin  Category :

Kooxo hubeeysan ayaa saakay subaxnimadii weerar ku qaaday hotel International Village ee ku yaal magaalada Boosaaso. Weerarkan waxaa ku dhintay lix qof oo ay ku jiraan kooxdii soo qaaday weerarka.

Weerarka ayaa dhacay markii salaada subax laga soo baxay, dableydana weerarka soo qaadayna waxeey ka koobnaayeen labo nin kuwaas oo gudaha u galay hotelka kadib markii ay dileen illaalada hotelka, waxaana iska hor imaad muddo socday uu dhex maray ciidamo ku sugnaa hotelka iyo dableeydii kuwaas oo la toogtay markii danbe. Dhinaca maamulka Puntland welli wax war ah kama soo bixin.

Arrimahan dilalka ah ayaa badanaa waxaa geeysta dadka iyagu qandaraaska ku soo qaatay ineey xasuuqaan shacabka Soomaaliyeed.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*