26th July 2024  admin  Category :

Wararkii ugu danbeeyey ee doorashada waxeey sheegayaan in la fillayo qaar ka mid ah musharixiinta madaxweeynaha ay tannaasuli doonaan oo aysan ka qeeyb gelli doonin doorashada; musharixiintaas doonaya ineey tannaasulaan ayaan welli la sheegin magacyadooda.

Sidoo kalle, waxaa la sheegayaa in baaritaano dhawr ah lagu sameenayo dadka ka qeeyb gallaya doorashada ha noqodeen musharixiinta madaxweeynaha, baarlamaanka, iyo ka qeeyb gallayaasha kalle oo dhan, waxaana lagu war gelliyey xubnaha baarlamaanka in ay mamnuuc yihiin in lala soo gallo xarrunta doorashada qalabka ay ka midka yihiin taleefoonada gacanta, kaamaradaha, saacadaha iyo welliba qalimaanta.

Arrintan ayaa ah mid lagu adkeenayo doorashada maadaama ay soo baxday in ragga lacagaha musuqmaasuqa ah bixiyey ay dalbadeen in xubnaha baarlamaanka ee lacagta ka qaatay ay u soo sawiraan ineey u coddeeyey musharxaas iyo in kalle.

La socda wixii war ah ee ka soo kordha doorashada haddii illaahay yiraahdo

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*