26th July 2024  admin  Category :

Doorashada dalka Soomaaliya waxaa ku guuleeystay Maxamed Ca/laahi Farmaajo oo noqonaya madaxweeynaha afarta sanno ee soo socota, Farmaajo ayaa hellay wareegii labaad codad dhan 184, meesha Xasan Shiikh uu ka hellay 97, Shiikh Shariifna wuxuu hellay 46 cod. Intii aan loo gudbin wareegii seddexaad waxaa tanaasulay Xasan Shiikh kadib markii uu arkay in duufaanta isbeddel doonka ay cagta marin doonto.

Doorashada ayaa wareegii koowaad waxaa isugu soo haray afarta musharax ee kalla ahaa Maxamed C/laahi Farmaajo oo hellay 72, Shiikh Shariif oo hellay 49 cod Cumar Ca/rashiid oo hellay isna 37 cod iyo Xasan Shiikh oo hellay isna 88 cod.

Wareegii labaad waxaa isugu soo haray afartaa musharax ee ugu dhibcaha badnaa, waxaana intaan wareegii labaad billaaban tanaasulay Cumar Ca/rashiid taas oo ka dhigtay in wareegii labaad ay isugu soo haraan Farmaajo, Shariif, iyo Xasan Shiikh. Waxaana ugu danbeeyntii guusha ay raacday musharax madaxweeyne Maxamed Ca/laahi Farmaajo.

Dadka ayaa waxeey aad u naceen sida xun ee Xasan Shiikh uu dalka u maamulay iyo isagga oo maanta markii uu wax walba qaribay ka raadiyey garab dawladda Itoobiya oo maanta caddeeysatay burburka ay la dooneeyso dalka Soomaaliya, waxeeyna taas sababtay in dadka ay doonaan rabitaan ah in isbeddal uu ka dhaco dalka, maantana waxaa dhacay isbeddalkii lagaga taqlusayey Xasan Shiikh oo dalka u roggey meel mooshin, musuqmaasuq, jahwareer siyaasadeed, iyo wax qabad la’aan dhinaca amniga ah ay ragaadisay dhamaan shaqadii dawad lagu yaqiin.

Soomaaliya maanta waxeey u baahantahay isbeddal aad u weeyn oo dhab ah, balse aan aheen mid ku eg in afka laga sheego. Waxaana dalka uu u baahanyahay in la sameeyo in isbeddel dhinaca dib u heshiisiinta, soo cellintii adeegyada bulshada, suggida amniga, ka saarida dalka ciidanka AMISOM, dastuurka dalka oo la dhameeystiro, dhisitaanka hay’adihii maxkamadaha iyo dhisitaanka dhamaan wixii dawladnimo lagu yaqiin.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*