26th April 2024  admin  Category :

Waa mid ka daran musuqmaasaqa madaxda Soomaalidu sameeyaan

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Switzerland ayaa ka soo qaaday 11 gaari uu leeyahay madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea ee galbeedka Afrika, oo la daba socday isaga oo lagu soo eedeeyey musuqmaasaq uu sameeyey.
Teodorin Obiang Nguema, oo uu dhalay madaxweynaha dalkaasi ayaa dawladda Switzerland waxay ka soo fara marooriyeen 11 gaari oo ah kuwa raadxada. Gawaaridan waxa ka mid ah Porsche oo qiimihiisu yahay $830,000 kun oo doolarka Maraykanka ah  iyo Bugatti Veyron oo isaguna qiimihiisu yahay $2milyan oo doolar.
Dalkan Afrikaanka ah ayaa gaas laga helay sanadkii 1995, waxaaana hogaamiya kaligii taliyaha Afrika ugu waqtiga dheer oo lagu magcaabo Teodoro Obiang Nguema
Xukunka wuxuu qabsaday 1979

Teodorin Obiang Nguema (L), the son of Equatorial Guinea's president Teodoro Obiang Nguema and the country's vice president

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*