26th July 2024  admin  Category :

Ergada beesha Warsengali ayaa xalay isaga baxday doorashadii ay u codeen lahaayeen maanta musharixiinta u tartamaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya taas oo la filayey ineey ka dhacdo magaalada Garoowe, waxeeyna sheegeen in doorashada loo maamulayo qaab ka baxsan wixii la isku oggaa.

Sidoo kalle, waxaa xallay la weeraray hotel ka mid ah hoteelada ku yaal magaalada Garoowe oo ay deggan yihiin ergooyinka wax dooraneeysa, waxaana laga maqlayey dhawaqa rasaasta dhamaan magaalada gudaheeda. Lama soo sheegin wax qasaaro ah inta la ogyahay.

Waxaa intaa dheer in dhawaan dhagaha laga fureeystay guddig khillaafaadka ee Puntland oo soo saaray in la joojiyo xubnaha ka socday shan beelood oo ka tirsan beelaha Puntland, balse waxaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalka ka soo baxay guddiga khillaafaadka guddiga doorashooyinka Puntland oo u muuqda kuwo musuqmaasuq faraha kulla jira waayoo ah haddii aysan musuqmaasuq faraha kulla jiray waxeey oggolaan lahaayeen in khillaafaadka beelaha ee jira in la saxo, ayna Puntland ka dhacdo doorasho xallaal ah.

Puntland ayaa qaaday wadada fashilka, iydoo ay ugu wacan tahay hoggaan xummida heeysata.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*