
17th July 2026 admin Category :
Madaxweyne Xasan Culusoow oo loogu baaqay inuu iscasilo iyo Mareykanka oo laga dalbaday baaris musuqmaasuq
Robert Stryk (Roobert Istrayk), oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda caalamiga ah ee ka shaqaysa arrimaha diblamaasiyadda ee Stryk Global Diplomacy, ayaa ku biiray baaq ay soo saareen xubno Soomaali ah oo dalbanaya inuu iscasilo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uguna baaqey dowladda Mareykanka inay baaris dhab ah ku sameyso eedeymo la xiriira musuqmaasuq, ku-tagri-fal awoodda xafiiska, iyo weecinta lacagaha gargaarka caalamiga ah.
Labada dhinac ayaa sheegay in wadashaqeyntoodu ay diiradda saari doonto eedeymo sheegaya in gargaarkii ay maalgeliyeen canshuur-bixiyayaasha Mareykanka—ee Soomaaliya loo soo mariyay hay’adaha WFP iyo USAID ay leexsadeen shakhsiyaad siyaasiyiin ah iyo qoys oo xiriir dhow la leh madaxda dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, baaritaankan laga dalbaday dowladda Mareykanka waxaa lagu eegi doonaa xiriirrada la sheegay inay ka dhexeeyaan dadka ku dhow Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, kuwaas oo ku lug yeeshay musuqmaasuqa in ka badan $250 milyan oo doollar oo loogu talagalay barnaamijka quudinta carruurta qoysaska danta yar xilligii cudurka Covid-19. Waxaa sidoo kale qayb ka ah baaritaanka xiriir dhaw oo la sheegay in uu madaxweynuhu la leeyahay xubno ka tirsan qoyska xildhibaanad Ilhan Omar.
“Nidaamka dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha xorta ah ma horumi karaan haddii hay’adaha dowladda loo isticmaalo in lagu naaxiyo madaxda sare ee siyaasadda, iyadoo la boobayo hantidii loogu talagalay in dadka loogu adeego. Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin hoggaan hufan, dowlad la xisaabtami karta, iyo hoggaamiyayaal danta qaranka ka hor mariya mida shakhsiga ah,” ayuu yiri Roobert Istrayk.
Stryk ayaa intaas ku daray: “Eedeymaha ku xeeran Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa kuwo aad u culus oo aan la indho-tiri karin. Si loo badbaadiyo danta Soomaaliya, mustaqbalkeeda dimuqraadiga ah, iyo xiriirka ay la leedahay saaxiibada caalamka, waa in madaxweynuhu xafiiska baneeyaa.”
Roobert Istrayk wuxuu horay ula soo shaqeeyay madax badan oo caalami ah, oo ay ka mid yihiin Uhuru Kenyatta, madaxweynihii hore ee Kenya oo uu metelayay muddo toddoba sannadood ah, iyo madaxdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna horey u yimid dalka Soomaaliya







