27th July 2024  admin  Category :

Culusoow iyo Abiy Axmed oo markii saddexaad isku arkaya shir caalami ah

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa ku sugan raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee maanta gaaray.

Madaxweyne Xasan waxaa garoonka diyaaradaha JKIA ee Nairobi kusoo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, wasiirka gaashaandhigga kenya Aadan Barre Ducaale iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne kuxigeenka Kenya oo qoraal kooban kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa yiri, “Kenya iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo faa’iido u leh labada dal. Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweyne William Ruto, waxaa farxad inoo ah soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada Nairobi”.

Shalay ayaa waxaa soo gaaray Nairobi ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, waxaana soo dhawayn u sameeyay madaxtooyada Kenya.

doono.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Abiy uu ku tagi doono magaalada Daaru Salaam, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Tanzania Samia Suluxu Xasan, si ay uga wadahadlaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee labada dal.

Waxaa la filayaa in labada mas’uul ay kala saxiixdaan heshiis xoojinaya xiriirkooda hore, iyagoo ka wada hadli doona gaadiidka cirka, korontada, beeraha iyo dhinacyo kale.

Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Abiy Axmed ayaa markii hore qorsheeyey in ay si wadajir ah saxaafadda u siiyaan war-murtiyeed.

Si kastaba ha ahaatee, daqiiqado ka dib markii ay labada hoggaamiye galeen, ayaa wariyaashii sugayey loo sheegay in shirka jaraa’id uusan qabsoomi doonin “isbadal ku yimid qorshaha” awgii. Lama shaacin sababta loo beddelay qorshaha.

Xasan Sheekh
Qoraalka sawirka,Madaxweyne Xasan waxa uu wacad ku maray in uusan la hadli doonin Abiy ilaa uu ka laabto heshiiska

Dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay inaan la xiriirno si aan faahfaahin dheeraad ah u weydiinno iyo in Nairobi looga wada hadli doono khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Itoobiya ayeysan noo suurta galin.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya ayaa ku kulmay shirkii Rome ee 28-kii January, kaasoo looga hadlayay iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga.

Sidoo kale, Shirka Midowga Afrika oo ka dhacayay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya 17-18-kii bishan ayay labada hoggaamiye isku arkeen.

Hase yeeshee, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horraan ka jawaabay suurta galnimada in uu si gaar ah Abiy Axmed ugala hadlo arrimaha u dhexeeya ee khilaafka keenay.

Madaxweynaha oo waraysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in aysan la hadli doonin Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiska is-afgarad ee dhawaan ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, kaas oo ay ka cadhootay Muqdisho.

“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato, Soomaaliya way iska caabbin doontaa, wayna diidi doontaa,” ayuu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters oo wareysi uu ku siiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho oo ah mid ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kaliya uu aqbali doono in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu wada hadal la yeelan karo kaliya marka Addis Ababa ay ka tanaasusho rabitaankeeda ay ku dooneyso dhul badeed ay Soomaaliya leedahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*