26th July 2024  admin  Category :

Akhriso Beelaha ay soo jeedaan Wasiirada dawladda Puntland ee uu magacaabay madaxweyne Saciid Deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u magacaabay Golihiisa Wasiirada Cusub.

1. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ayaa mar kale loo magacaanay Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo hore xilkan u hayay. wuxuu ka soo media Majeerteen.

2. Wasiirka Amniga iyo DDR-ta ayaa mar kale loo magacaabay Ibraahim Cartan Ismaaciil Xaaji Bakiin oo hore xilkan u hayay. Wuxu ka soo jeedaa Majeerteen.

3. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa mar kale loo magacaabay Cabdi Faarax Siciid Juxa oo isna hore xilkan u hayay. Wuxuu ka soo jeedaa Majerteen

4. Wasiirka Maaliyadda ayaa loo magacaabay Maxamed Faarax Maxamuud oo hore uga soo shaqeeyay Nidaamka Maaliyadda Puntland. Wuxuu ka soo jeedaa Leelkase

5. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa loo magacaabay Daa’uud Maxamed Cumar Wuxu ka soo jeedaa Dhulbahante

6. Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabay Fu’aad Abshir Axmed Adeer. Wuxu ka soo jeedaa Majeerteen

7. Wasiirka Caafimaadka ayaa loo magacaabay Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel). Wuxuu ka soo jeedaa Warsangeli

8. Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka ayaa loo magacaabay Faarax Cawad Jaamac.

9. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha ayaa loo magacaabay Shaakir Maxamed Guuleed. Wuxuu ka soo jeedaa Dhulbahante

10. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Bile Nuur. Wuxuu ka soo jeedaa Dhulbahante.

11. Wasiirka Haweenka ayaa loo magacaabay marwo Maryan Axmed Cali. Waxay ka soo jeedaa Dhulbahante

12. Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamuud Caydiid Dirir. Wuxuu ka soo jeedaa Dhulbahante

13. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa loo magacaabay Axmed Shire Siciid. Majeerteen

14. Wasiirka Xannaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux. Majeerteen

15. Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Faroole. Majeerteen

16. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa loo magacaabay Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa. Majeerteen

17. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Habar-waa. Majeerteen

18. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ayaa loo magacaabay Liibaan Muuse Cismaan. Majeerteen

19. Wasiirka Gargaarka ayaa loo magacaabay Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi.leelkse

20. Wasiirka Beeraha ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdiqaadir Saalax Warsangeli

21. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa loo magacaabay Hodon Siciid Xasan. Warsangeli

Halkan ka daawo Muuqaalka shaacinta Wasiirada


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*