27th July 2024  admin  Category :

Puntland oo rag kasoo jeeda Marooko dil toogasho ah ku xukuntay

Maxkamad ciidan oo ku taal magaalada Boosaaso ayaa xukunno kala duwan ku ridday rag isugu jira Soomaali iyo ajaaniib lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Daacishta Soomaaliya.

Raggan oo toddobo ka mid ah ay ajaanib yihiin ayaa lagasoo qabtay deegaanka Calbari, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Xuseen Food Cadde oo ka mid ah xeer ilaaliyeyaasha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland.

“Waxaa ajaanib ah toddobo, toddobadaas lix ka mid ah waxay kasoo jeedaan dalka Marooko halka mid kale uu ahaa Itoobiyaan” ayuu yiri xeer-ilaaliye Maxamed Xuseen.

Lixda eedaysane ee kasoo jeeda Marooko ayaa dhammaantood lagu xukumay dil toogasho ah halka midka Itoobiyaanka ah iyo Soomaaliga lagu xukumay min toban sano oo xabsi ah.

Xeer ilaaliyaha oo aan weydiinnay kala duwanaanshaha xukunka ayaa sheegay in ay keentay caddeymaha lagu helay taas oo ka dhigan in caddeyn ku filan oo dil toogasho ah loogu xukumay lagu waayey labada eedaysane ee Soomaaliga iyo Itoobiyaanka ah.

“Dadkaas waxaa lagasoo qabtay deegaanka Cal Bari oo dhinaca casha bariga ah fadhiisinna u ah ururka argagixisada ah ee Daacish” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu isaga oo kusii daray “waqtiyada lasoo qabtayna way kala duwanaayeen oo mar saddexbaa lasoo qabtay mar labaa lasoo qabtay marna midbaa la qabtay…laakiin hadda muddo bil kow dhow baaristooda ayaa socotay”.

Waxa uu xeer ilaaliyuhu noo sheegay in ay maxkamaddu sii deysay mid ka mid ah eedaysanayaasha oo Soomaali ah kadib markii” ay wax dembi ah ku weyday

Dadkan ayaa loo cuskaday xeer la yiraahdo ‘Xeer lambar 10’ oo ay Puntland leedahay kaas oo sida uu sheegay Xeer-ilaaliye Maxamed Xuseen dhigaya in qofkii lagu helo in uu ka mid noqday urur argagixixo ah uu xukunkiisu yahay dil toogasho ah.

Saddex maalmood gudahood ayaa loo oggolyahay in ay racfaan ku qaataan eedaysaneyaashan oo ay dawladdu u qabatay qareenno difaaca sida uu xeer ilaaliyuhu sheegay.

Dagaalka u dhexeeya Daacish iyo Puntland

Daacish

Bishii Maarso ee sannadkii tagay, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay toban nin oo ku eedaysnaa in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Horaantii isla bisha Maarso ee 2023 Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku fulisay 19 nin oo ka tirsanaa al-Shabaab kuwaas oo lagu helay dambiyo dilal iyo qaraxyo ah oo ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Ururka Daacish ayaa Soomaaliya howlgalladii ugu horreysay ka billaabay sannadkii 2015 iyada oo ururku uu markii ugu horreysay ka soo muuqday buuraha gobolka Bari, waana aasaaska Daacish loo sababeeyaa in uu ka dhashay kala jabkii ku yimid garabkii al-Shabaab ee ka dagaallamayey Putland.

Ciidamada Puntland iyo ururka Daacish ayaa xilligaas wixii ka dambeeyay marar foodda isku daray goobaha ay ku sugan yihiin, iyada oo Puntland sheegtay marar badan in ay ka dishay dagaal yahanno badan.

Balse saameynta ururkaan waxay korartay kadib markii sanadihii la soo dhaafay ay bilaabeen qadista lacago baad ah, iyagoo inta badan shirkadaha kala duwan ee ganacsiga ka qaatay lacago baad ah, halka markii hore ay dhaqaale ka heli jireen oo kaliyah Daacishta kale ee ka dagaalanta dalalka carbeed.

Bishii August 2018-kii warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warantay in Daacish ay billaawday in ay canshuur ka uruuriso ganacsatada maagalada Boosaaso iyo bulshooyinka kale ee ku nool deegaannada kale ee Puntland ka hor inta aysan lacag arruurinta ku fidinin magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Puntland ayaa iyana sheegtay in ay beegsadeen hoggaamiyaal muhiim u ah ururka.

Bilowgii sanadkii tagay ee 2023 ka, taliska Booliiska Puntland ayaa sheegay in weerar ka dhacay degmada Balidhidin ee gobolka Bari lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Daacish oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*