29th March 2024  admin  Category :

Ciyaaraha Aasiya ayaa maalmahan ka socday dalka Imaaraadka Carabta. Dalalka Ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa dalka Qatar.

Dalka Qatar waxa ay ka dhigeen ciyaaraha wacdarro aad u wannaagsan, waxeeyna ka soo badiyeen dalal badan. Balse waxaa ugu yaab badneed ciyraatii ay la ciyaareen maanta dalka Imaaraadka oo iyagu ah kuwa marti gellinaya ciyaaraha.

Hadaba, dawladda Imaaraadka ayaa waxeey ku kacday arrimo yaab leh kadib markii ay iibsadeen dhamaan tigidhadii lagu gallayey garoon si aysan u soo gellin garoonka cid taageersan Qatar.

Garoonkii ciyaaraha ayaa waxaa iska soo buuxiyey dadka Imaaraadka u dhashay iyo dad tigidho billaash ah la soo siiyey oo aan u dhallan Imaaraadka si kooxdooda loo taageero.

Markii la qaadayey heesta calanka Qatar, waa lagu oriyey, ciyaarta markii ay billaabatayna ciyaartooyda Qatar u ciyaareeysay waxaa lagu soo tuuray dhalooyin, kabo iyo caagado ay biyo ka buuxaan.

Hase ahaatee, iyadoo lagula kacay waxaas oo idil ayaa kooxda dalka Qatar waxeey kaga badiyeen kooxda Imaaraadka 4-0.

Kooxda Qatar waxeey la ciyaari doontaa ciyaarta dhamaadka kooxda dalka Japan oo iyagu shalay ka soo badiyey kooxda dalka Iiraan.

Allsanaag.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*