26th April 2024  admin  Category :

Ciidamada Puntland oo go’ doon galiyey saldhigyo & Ciidamo ka tirsan SNM + Dagaalkii…

Wararkii ugu dambeeyey  ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland ay go’ doon galiyeen saldhigyo iyo ciidamo ka tirsan kuwa maamulka SNM kadib markii ay ka wajaheen dhowr jiho oo dhaca fadhiisimo ay ku leeyihiin ciidamada Somaliland deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Buuraha dhaca Koonfur bari deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamada Puntland, iyadoona deegaankaasi ay hore ugu sugnaayeen maleeshiyadka  SNM kadibna ay iskaga baxeen buurahaas markii laga soo wajahay afar jiho oo aysan ka filanayn ciidamada Puntland.

Xiisadaha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sii xoogaysanaya waxaa loo badinayaa galinka dambe ee maanta in uu qarxo dagaal culus oo u dhaxeeya labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland, iyadoona haatan Puntland ay isku diyaarisay dagaalkii ugu xumaa ee ay ku wajahayso ciidamada Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*