23rd October 2024  admin  Category :

Bulshada Ceel Buh oo intii awooddoodu gaarsiisnayd ayeey kaga hortageen cudureka Coronavirus (COVID-19)

Sanad walba Bulshada Caalamku ayaa dalka Soomaaliya ugu deeqda Malaayiin doolar si arimaha bulshada ee umadda Soomaaliyeed Wax loogu qabto, ama nolosha adag oo ay ku jiraan wax looga bedelo.

Sanad walba waxa ka soo dega dekedda Muqdisho Gaadiid badan oo ka mid ah kuwa amniga, caafimaadka , kaluumaysiga iyo Beeraha oo guud ahaan loogu deeqay Umadda Soomaaliyeed . Dhamaan Gaadiidkani ma soo dhaafaan Magaalada Muqdisho intooda badan.

Magaalada Ceel buh ee gobolka Sanaag, deeqahan Gaadiid haba yaraatee wax kama soo gaaraan, hal doolarna kama ayana helin dawladda Federaalka sadexdii sano ee madaxweyne Farmaajo dalka Hogaaminayey.

Maanta Bulshada reer Ceel buh si ay hortagaan xanuunka Coronavirus (COVID-19), oo ayna u haysan Cisbitaal iyo daawooyin, waxa qura oo ay awoodeen waxay noqotay inay lacag iska ururiyaan oo ay ku iibsadaan Iskarogooyin Qashinka ka qaada, si ay uga hor tagaan xanuunka Coronavirus (COVID-19).

Magaalada Buraan oo ay deris yihiin magaalada Ceel buh. waxaad muuqaalka hoose ka daawan doontaa Hooyooyinkii

dhagaxaanta Waaweyn gacmahooda ku qaadaya, oo jidadkii gurmadku u soo mari lahaa samaysanaya, halka xaafadaha magaalada Muqdisho mid walba ay haysato qalab loogu talo galay inay ku shaqeeyaan

Ugu danbayntii ma qarsoona, in madaxweyne Farmaajo uu dagaal dhaqaale siyaasadeed uu kula jiro gobolka Sanaag, laakiinse waxa nasiib xumo ah in dhalinyaro ka soo jeeda gobolka Sanaag ay umaddi kale ee Soomaaliyeed la yaaban yihiin amaanta ay la jogaan Baraha Bulshada.

https://www.facebook.com/bootan.axmed/videos/223862288682864/?t=18

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*