26th April 2024  admin  Category :

Akhriso heshiiska Cali Khaliif iyo maamulka SNM

Shirkii Wada-hadalada jabuuti oga socday maamulka SNM iyo Cali Khaliif

1- Waxaa dib u eegis lagu sameeyay Heshiiskii 11-ka Qodob ka Koobnaa ee 21-12-2016, Wixii ka hirgalay iyo Waxaan ka Hirgelin.

2- In Taakulaynta iyo Gurmadka Abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska Kaashadaan, Kana Wada Shaqeeyaan.

3- Waxaanu ugu Baaqaynaa Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ahba Inay si deg deg ah uga Howlgalaan Deeganadaas,  Abaarta iyo Horumarin la’aanta ka Jirta Awgeed.

4- In Shirka Guddiyada Wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland Lagu Qabto Jabuuti, 20.03.2017.

5 –  Waxaanu si Wadajir ah u Cambaaraynaynaa Falka Nabad-gelyo Xumida, Iyo Khal-khal Gelinta ahaa ee Puntland,  ka Fuliyeen Madaarka Buuhoodle 05.02.2017, waxaanu usoo Jeedinaynaa inay Ka Waantoodo Falkaasi Foosha Xun iyo Fara-gelintaba.

qodobada wada hadalada kHAATUMO IYO somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*