27th July 2024  admin  Category :

Danjire Jamaal oo noqonaya Gudoomiyaha caleemo saarka madaxweyne Farmaajo

Sida ilo lagu kalsoon yahay ay  noo sheegeen haddan wax is bedelin, xafladda lagu  caleemo saarayo   madaxweynaha Soomaaliya ee dhowaan la doortay  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa waxa loo xilsaarayaa inuu gudoomiye ka noqdo danjiraha dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kentya Jamaal Maxamed Xasan.

Magcaabida Danjire Jamaal oo leh aqoon dibloomaasiyeed loo magcaabay caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo, waa Guul. Sababtuna waa labadan arimood:

Danjire Jamaal oo in badan ku soo dhex jiray, kana soo shaqaynayey arimaha dibadda , oo xiriir fiican la leh  Bulashada Caalmaka, gaar ahaan Maraykanka, Yurub iyo wadamada aynu  derika nahay, ayaa khibradani waxay u  fududaynaysaa inuu  xafladda caleemo saarka madaxweyne Farmaajo ku soo casumo  diblomaasiyiin miisaan culus ku leh dalalkooda oo fariinta ay ka qaadaan xafladda caleemo saarka ee magaalada Muqdisho ay gaarsiin karaan  caasimadahooda sida  Abu Dahabi, Adis ababa  Ankara, Brussels,  London, iyo Washington.

Arinta labaad uu Danjire Jamal xaflafladda Caleema sarka madaxweyne Farmaajo   uga dhigi kara mid qurxoon, habaysan oo maamuus iyo sharaf leh , waa aqoonta uu u leeyahay Baratakoolka iyo qaban qaabada shirarka caalamiga oo in badan oo ka mid  uu ka soo qabtay daafaha caalamka, isaga oo gudoomiyr ka ah.

Ugu danbayntii xafladda caleemo saarka , waa sawirka ugu horeeya ee Madaxweyne FARMAAJO uu caalamka tusayo Qofka uu yahay iyo dadka ku xeerani cidda ay yiniin. Waa sawir lagu ogaan karo dawladdisa iyo DAWLADIHII  ka horeeyey sida ay ku kala duwan yihiin marka ay timaado dawlad wanaag NIDAAM IYO KALA DANBAYN. Sidoo kale danjire Jamaal waxaan u rajeenaynaa guul iyo in gacan yaraashiisa uu u xulan doono inay la shaqeeyaan inay  noqdaan kuwa isaga  kala mid ah aqoonta iyo ilaalinta Baratakoolka.

ALLSANAAG/COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*