6th February 2023  admin  Category :

Cabdi Xaashi oo ka digey in la qabto doorasho hal dhinac ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa markale ka digey in guddiga doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi ay qabtaan doorasho hal dhinac ah.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen garabka uu hoggaamiyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ayaa ka digay in haddii qolo ay doorasho qabato inay iyagana doorasho qabanayaan.

“Haddii ay dhacdo warka suuqa ku jira ee ah cidi inay doorasho sameyso waa idinka kuwa doorashada xaqa u leh ee soo saaranaya xubnahooda Baarlamaan u diyaar garooba in aad doorasho sameysataan”ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi ayaa kulankan ka sheegay in garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ay doonayaan inay qabtaan doorasho u gaar ah iyada oo xal laga gaarin khilaafka ka dhex jira Guddiga.

Khilaafka ka dhex jira guddiga doorashada Somaliland ayaa sii xoogeysanaya inkastoo ra’iisul Wasaare Rooble uu sheegay in xal laga gaarayo khilaafka u dhexeya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*