26th July 2024  admin  Category :

Ururka Iftin ee Xaruntiisu tahay Magaalada Xidda oo Bilaabay Mashruuc Loogu Magac daray ka Danqo dalkaaga oo Daryee. Lacagta laga helo dekedda Boosaaso iyo mashruuca JPLG ma soo gaaraan degaanadan

Ururka Iftin ee Xaruntiisu tahay Magaalada Xidda ee deegaanada Degmada Waaciye ayaa Bilaabay Mashruuc Loogu Magac daray Ka Danqo dalkaaga oo Dalyeel,Mashruucaas oo Wejigiisa kowaad Lagu bilaabay Dayactir lagu Sameynayo Burbur soo gaaray Laamiga Xidda ee isku xira Gobolada dalka Soomaaliya.
Laamigan oo dhisnaa Mudo dhow Sodon Sano ayaa waxa soo gaaray Burbur baaxad leh,kaas oo sababay in gaadiidka Laamiga maraya ay shilal kala duwan ku galaan.
Waxaana la rajaynayaa in dayactirkan Ururka Iftin uu ku sameynayo ay ka hortegi doonto shilalkii uu burburka Laamiga uu sababi jirey.
 Ururka Iftin oo mudo dhowr sano ah ka jiray Magaalada Xidda,isla markaasina ay Asaaseen Dhalinyaro aqoonyahano deegaanka ah ayaa mudadii uu jiray qabtay Shaqooyin badan oo kala duwan,kuwaas oo dhamaantood dalka iyo dadkaba anfac u lahaa.
Maamulka Ururka Iftin oo Warbaahinta Raadreeb.com la hadlay ayaa Qurba joogta iyo Maalqabeenada Magaalada Xidda ka codsaday inay Gacan kusiiyaan Shaqooyinka adag ee u baahan dhaqaale iyo Wakhtiba,isla markaasina ka taageeraan dhanka agabka lagu shaqaynayo iyo dhaqaalaha ku baxaya Horumarinta Arimaha bulshada.

Raadreeb.com-Xidda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*