27th July 2024  admin  Category :

Hub ka dhigista lagu sameenayo shaqsiyaadka hubka sharci darrada ah ku heesta magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo soo dhaweeyay. Hase ahaatee, waxaa jira shqsiyaad doonaya ineey hubka ay heestaan uga faa’iideeystaan ineey dadka ku waxyeeleeyaan ama wax ku dhacaan; waxaa kaloo jira, shaqsiyaad u fasirtay hub ka dhigista iyo xasillinta magaalada Muqdisho arrin qabiileeysan.

Hadaba, waxaan ognahay Muqdisho in ay tahay caasimadii ummada Soomaaliyeed, waana meesha uu caalamku ku qiimeenayo isbedalka ka dhaca dalka Soomaaliya heerka uu gaarsiisan yahay.  Waxaan kaloo ognahay in Soomaaliya ay ka jiraan dhul badan oo nabad ah, hadana caasimad waa muraayada dalka soomaaliya lagu qiimeenayo. Markii ay dawladii dhexe ay meesha ka baxday, waxaa tallada caasimada la wareegay beelaha ku abtirsada USCda, waxaana xaqiiq ah ineey isla beeshaas tahay midda Muqdisho u diiday ineey hesho nabad.

Hub ka dhigista kuma ekaan doonto Muqdisho oo kalliya, laakiin Muqdisho waqtigan waxeey u tahay deeggaan dawladda federaalka hay’adaheedii, waxaa jooga safaaradihii, waana magaalo ay shacab badan oo Soomaaliyeed ay ku noolyihiin; waxaa intaa dheer, Muqdiso waa magaalo aan amni fiican hellin tan iyo markii dawaladdii dhexe ay meesha ka tagtay sannadii 1991dii. Sidaa darteed, in amnigeeda la suggo waa laga ma maarmaan, waxaana uggu horeesa in kuwa amni xummida ka wada magaalada laga qaado hubka.

Qaar ayaa waxeey yiraahdeen waxaa hubka laga qaadayaa Hawiye oo kaliya oo waxaa la rabaa inuu Daarood na qabsado. Waxaa dhab ah, Daarood ineeysan dagaal iyo aargudasho midna dooneen, hubka maanta Muqdisho laga uruurinayana waa in la isla oggaadaan meesha la dhigayo si dadka shakiga qaba looga saaro shakiga, waxaana oganahay maanta in ciidanka hubka qaadayaa badankooda ay yihiin isla beelaha ku abtirsada USCda.

Marka dadka shakiga qaba waa ineey oggaadaan Muqdisho ineey waqtigan tahay caasimadii ummadda Soomaaliyeed, amni ineey heshaana ay tahay lagama maarmaan, haddii kalle waa in beelaha USCda ay shacabka Soomaaliyeed u fasaxaa caasimada si ay u geestaan meesha ay doonaan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, haddii kalle halla shaqeeyaan dawladda, hanna diidaan mooryaanimada, argagixisinimada, iyo wax kasta oo liddi ku ah amni xummida muraayada ummada Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Muuqaaladan Hoose waa sidda ay u nool yihiin dadka ku nool Doha, Qatar iyo Kuwait City. Marka aad aragto sida ay dadkaas u raaxeesanayaan, maxaad adiga u doorbideesaa inaad ku noolaato nolosha tan ugu liidata?

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*