26th March 2024  admin  Category :

Bulshada iyo Ciidanka D/ Buraan oo bilaabay isku-tashi.

Bulshada Degmada Buraan Ee G/Haylnd ayaa ku midoobay Islaa wax u qabso’Iyadoo maamihii u dameyey ay soo idladeen Kulamo iyo Wadda tashiyo u dhexeeya Qaybaha bulshada iyo Masuuliyiinta degmada iyo Sarakiisha Ciidanka heer qaran ayaa waxaa socda Ollole Sare loogu qaadayo Bilicda Degmada iyo furitaanka Wadooyinka gudaha Magaalada iyo kuwa soo galada.

Barnaamijka ayaa loogu magac daray Milicsiga Bulshada iyo Is xilqaanka Magaalada Waxaana ilaa Shalay qabsoomay howlo Muhiima oo Wadda jir loo Abaabuley kadib markii ay soo bexeen guddi cusub oo loo xilsaaray Amniga iyo Horumarka Degmada.


Gudoomiyaha Ollaha Tabarucaadka Iskaa wax u qabso Buraan Axmed iyo Ururka de’yarta madaalasha Tayo ayaa badiilka iyo Yaanbada u qaatay Nadaafada iyo daryeelka bulshada ‘Iyagoon Cidna gacan halin wilal iyo gabdhoba.

Taliska Boliiska Degmada oo aan hore looga baran howlo noocan oo kale ah ayaa dhiirigeliyey Urrurada bulshada iyo Qaybaha kale Ee shacabka Reer Buraan oo markan jaanta Isla helay.

Allsanaag/Buraan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*