26th April 2024  admin  Category :

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa isku deyeesa ineey iska dhega tirto cabashooyinka ay qabaan maamul goboleedyada dalka. Shirka ka socda magaalada Kismaayo ayeeysan xittaa dawladda u dirin cid si ay u dhageeystaan cabashooyinka maamulada dalka ay qabaan.

Soomaaliya waa dal la dhisayo wixii burburay, dawladda federaalkana waa ineey oggaataa in maamul goboleedyada ay yihiin baalaha ay ku duuli laheed. Hadaba, dawladda oo aan Muqdisho ka wada tallin, iskana difaaci karin qaraxyada iyo dillalka ka socda, ayeey haboon tahay ineey oggaato awoodeeda.

Inta badan, madaxda dalka marka ay booqashooyin ku tagayaan wadamada caalamka, oo wellibana si fiican loo soo dhaweeyo, ayeey xirtaan shaati ah ineey la mid yihiin dalalkaa ay  booqanayaan awoodna ay leeyihiin, laakiin waxeeysan oggeen ineey ka soo kaceen guri burbursan oo saqafka iyo daaqadihii ay ka maqanyihiin.

Waxaa dhab ah, in dawladda federaalka aysan si xor ah u mari karin caasimada Muqdisho, ayna madaxda dhamaantood ka soo kacaan madaxtooyada, cabsida ay qabaan darteedna ay sababtay in  qaar badan oo iyaga ka mid ah aysan habbeenkii aadin musqusha oo ay ka door bideen ineey ku kaadiyaan quraarado.

Hadaba, dawladda waxaa wannaagsan ineey fahamto wacyiga lagu jiro iyo xaallada lagu jiro sida ay tahay, waana ineey garataa in maamulada ka jira dalka ay yihiin awooda dalka, ayna yihiin xididadii ay dawladda ay dhiiga ka qaadan laheen si ay u noolaato.

Gabagabadii, dawladda waa ineey ka soo dagtaa buurta ay fuushay, unna soo dagtaa wacyiga dhabta ah ee ka jirta dalka. Maamulada dalkana waa in la siiyo qiimaha iyo mudnaanta ay leeyihiin, haddii ay taa dhici weeydo waxaa dhab ah in dalka uu ku jiri doono marxaladda adag ee uu ku jiro, Soomaaliyana waxeey noqon doontaa wadan caalamka ka harra oo xirta shaatigiisii ahaa “Dal Fashilmay”

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*