26th July 2024  admin  Category :

Daallo Airline oo ka bilowday Puntland Duulimaad Toos ah Bosaso To Dubai.

Shirkadda Diyaaradaha  ee Daallo ayaa duulimaadkeedii u horreeyay oo Bosaso-Dubai oo toos ah ka bilowday Puntland , iyadoo rakaabkii u horreeyay ay ka qaaday Garoonka diyaaradaha ee Bosaso

Furitaanka khadkan cusub waxaa loo qabtay munaasabad ballaaran oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin ka socday dowlada Puntland, Ganacsatado, Isimo, Culuma’udiin iyo madaxda shirkadda Daalo Airline ee Puntland.

Garaad Xuseen Siciid Ismaacil oo ah Madaxa shirkadda Daalo ee Puntland oo warbaahinta la hadlay, wuxuu u sheegay in shirkadu ay ka jawaabtay  baahiyaha macaamiisheeda.

“jadwalka cusub ee shirkadda Daallo wuxuu noqonaya in Maalin kasta oo sabti ay rakaabka ka qaadi doonto Bosaso, toosna u gayn doono Dubai, Maalinta Axadda waxay ka soo qaadi doontoo Dubai-Bosaso oo toos ah” ayuu yiri Garaad Xuseen.

“ Diyaaradan oo nooceedu yahay A320 waa mid casri ah, waxay qaadi kartaa 150 qof oo rakaab ah iyo 8 qof oo VIP” ayuu yiri

Dhinaca kale, Garaad Xuseen wuxuu xusay in shirkadda ay bilowday qabashada dukemitiyada Cimradda iyo xajka ee sanadkan.

Kabtanka diyaarada Jacobus Stroh ayaa dhiniiciisa amaanay  garoonka diyaaradaha ee Bosaso, gaar ahaa dhabadada diyaaraduhu ku cararaan ee Runway, isagoo ku tilmaamay midka ugu wanaagsan Soomaaliya.

Maareeya Guud ee garoonka diyaaradaha Bosaso Bashiri Muuse Cabdiraxman oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay khadka cusub ee shirkadda Daallo ku soo kordhisay Duulimaadyadeedii, waxaana uu ballanqaaday waxa kasta oo dhinaca garoonka kaga xiran ay u fududayn doonaan

Duulimaadyada cusub ee tooska ee shirkadda waxaa kaloo soo  dhaweeyay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Sheekh  Yuusuf Heeryo, Ganacsato iyo masuuliiyiin kale ooka qaybgalay munaasabadda,waxayna tilmaameen in shirkadaha maxaliga ee dalka mudnaanta la siiyo.

Gabagabadii, Tan iyo markii la furay garoonka diyaaradaha ee Bosaso bishii January 2016, shirkado badan ayaa duulimaadyo kala duwan ka bilaabay garoonka oo ay ugu dambaysay shirkadda Daalo oo 20 sanno la soo dhaafay ka howgalaysay guud ahaan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*