26th July 2024  admin  Category :

Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan ololaha Qof iyo Foosto ee loogu qareemeyo dhismaha wejiga labaad we waddada Ceeldaahir Ceerigaabo.

Boqor Burhaan waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee qaadhaan ku bixiyey waddada Ceeldaahir Ceerigaabo markii la yagleeleyey wejigii kowaad isagoona xilligaa bixiyey qaadhaan lacageed oo dhan $10,000 lacagtaas oo noqotay tii ugu horreysey ee kudhacday Koontada mashruuca.

Sidoo kale Boqorku wuxuu hadda ballan qaaday inuu qayb lixaadle ka qaadanayo wejigan labaad ee dhismaha waddada ee daamurka la saarayo, bulshadana waxa uu ku baraarujinayaa mudnaanta ay leedahay dhismaha waddadaasi adduun iyo aakhiroba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*