26th July 2024  admin  Category :

Waa markii ugu horaysay taariikhda REER MAAKHIR ay cadow ka barakiciyaan degaankooda oo aynu wada daawanayno.

Taariikhda inta la ogyahay ma jirin Cadow ku soo duulay Maakhir oo Bulshadii ku noolayd ka barakiciyey hal Taako oo ka mid ah degaankooda

Haddaan tusaale u soo qaadano Jabhaddii SNM, markii ay hubkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay gacanta ku wada dhigeen, oo iyaga oo isku duuban Beelihii SNM duulaan ku soo qaadeen degaano ka mid ah gobolka Sanaag. Ma jirin heel meel oo ka mid ah Maakhir oo ay qabsadeen gacantana ku dhigeen. Dhamaan waa lagu jebinayey mar kasta oo ay isku dayaan weerarkooda argagixisnimada ahaa.

Tusalaha labaad, Allah ha wada u naxariistee Saiyid Maxamed Cabdule Xasan iyo Garaad Maxamuud Cali shire, markii ay isku qabteen cidda Soomaali u talinaysa, oo Sayid Maxamed isa soo hubeeyey oo uu samaystay xulafaysi, oo uu duulaanka soo qaaday ma jirin degaan ka mid ah Maakhir oo uu xoog ku qabsaday. Inkastoo Allah U naxariistee Ibraahim Uurcad uu ku sheegay buugiisa inuu faro kulul ku hayey degaanka.

Tusaalaha sadexaad, waa mid mucjiso ah oo dad badani markii ay maqleen ama akhristeen ka yaabisay oo ahayd in quwaddii aduunka oo dhan ugu xoog badnayd ee Ingiriiska , inta badana caalamka gacanka ku haysay, oo ku caan baxday in Calankoodu gabalka u dhicin oo Qaaradaha oo dhan ka dul ba’banayo, ayaa markii ay Maarkhir u soo dirsadeen Ergo u soo indho indhaysa si ay xoog ugu qabsadaan, ayaa ergaddii waxay ugu jawaab celiyeen Boqortooyaddii INgiriiska

“…IT WAS NOT DEEMED advisable to press on the Warsnagli the acceptance of our flag…..” Consul Hunter, 1886

” …Ilama ahayn in wax lagu taliyo ay tahay  in Warsagenli lagu caddaadiyo in ay aqbalaan calanka Ingiriisiga[oo dhulkooda laga taago]….” Consul Hunter, 1886

Marka odayaasha Warsangeli xilligaa ay diideen CALANKA Ingiriisiga, isla markaana heshiiskooda gaarka looga dhigay, qabaa’ilka  Aadan Madoobe, Reer Dood, Sacad Yoonis, Muuse Carre, Cali Siciid iyo kuwa kale, CALANKA Ingiriiska ayaa farta laga saarayey oo ay sudhayeen ciidooda.

Waa nasiib xumo dadkii ka farcamay odayaashaa calanka Ingiriiska lugula dhici waayey in ay maanta Dhulkoodii ka soo barakiciyaan Wiilaal ka kala yimid Beer iyo Baydhabo oo ku hubaysan Buraashado.

Ugu danbayntii, lama qaadan karo in Hooyo Umul ah oo aan taariikhda awoowayaasheed laga barakicin buraha Calmadow in maanta la doonayo in KAAMAM looga sameeyo Ceel Afweyn, oo maamulkii SNM oo markii horeba sababay in la soo Barakiciyo ay doonayaan inay bahdil ugu daraaan, Waxaase nasiib xumo ah oo dadka intooda badan ayna ka war hayn in arinta Cawsane, Shidan iyo Alshabaabka ku sugan Buuraha Cal- madow ay isku xiran yihiin, oo ay dhamaantood hurinayaan maamulka Somaliland.


Allsanaag.com news@allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*