3rd December 2023  admin  Category :

‘Boqorka Cuudka’ Soomaalida ee Coronavirus sahayday

Allaha u naxariistee Maxamuud Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) oo lagu tiriyo inuu ahaa aabbaha muusika casriga ee Soomalida ayaa dhawaan magaalada London ku geeriyooday kaddib marki uu haleelay cudurka Coronavirus.XAYEYSIIN

Wariyaha BBC Mary Harper oo ay marxuumku saaxibba dhow ahaayeen ayaa warbixintan ka diyaarisay.

Markasta uu Xudeydi kabankiisa ‘Cuudka’ uu faraha saaro inaad sii fadhido wey adagtahay.

Jirka wuu ruxmayaa, gacmuhuna wey sabcinayaan faruhuna wey shanqarayaan. Muusika uu garaaco Xudeydii adiga oo dhanba wuu ku saameynayaa.

Balse Xudeydii wuxuu u qalmaa magaca caanka ah ee loo yaqaanno ee ah ‘Boqorka Cuudka’ mid ka weyn, marka loo fiiriyo heerka Musika ka gaaray.

Waxay ahayd qof adag, deggan, deeqsi, dadka soo dhaweeyo oo maadda badan.

Arday iyo Darawal bas

Laga bilalabo marki aan la kulmay waxaan isku arkayey inaan qoyskiisa ka mid ahay.

Aniga oo keli ah ma aha. Cid walba oo gurigiisa ku booqato si diirran ayuu u soo dhaweeynayaa isaga oo u shubaya qaxwada Yemeni cid kasta oo u baahanna jiif ayuu siinayaa.

Allaha u naxariistee Macallin Xudeydi wuxuu ahaa dugsi dadban oo wax laga barto, dad badan ayaana dunida daafaheeda uga imanayey si ay aqoon uga korosadaan.

Maxamuud Ismaaciil Xuseen (Xudaydi)

Xudeydii wuxuu ku dhashay magaalada Berber sanadka marka uu ahaa 1928-kii. Wuxuuna ku soo barbaaray magaalada Cadan ee dalka Yemen, wuxuuna dhalinyaranimadiisi aad u xiiseyn jiray muusika.

“Markasta oo ay xubnaha qoyskeyga i soo raadiyaan oo ay gurigeyga igu soo celiyaan” ayuu yiri Xudeydi, mar uu dareenkiisa Muusika uu ka warramayey.

Xudeydi oo 14 jir ah ayuu aabbiihi u kaxeeyey xaflad ka dhaceysay magaalada Cadan. Waxaana halkaasi laga garaacayey Cuudka, halkaa ayuuna Xudeydi jeceylka Cuudka uu ku soo qaaday.

Jeceylka Cuudka uu u qabo wuxuu ku cabbiray heer uu gaaro marka uu loox waregsan oo cuud u eg uu arkaba wuu soo qaadan jiray wuuna garaaci jiray.

Oud

Getty ImagesWhat is an oud?

  • Stringed instrumentoften described as similar to the European lute
  • Its historystretches back thousands of years
  • Centralto a lot of Arab music
  • Made of woodtypically with 11 strings, five are paired together

Source: ArabAmerica.com, Salon Joussour

Waa xilliyadi uu Xudeydi uu la kulmay laxamistaha weyn ee Soomaaliyeed ahaana ninka sida weyn cuudka u ciyaari jiray Cabdullaahi Qarshe.

“Maalin maalmaha ka mid ah waxaan billaabay inaan taabto cuudkiisa si aan u dareemo. Qarshe wuxuu markiba i weydiiyey waxa uu abbahay ii iibiyey si aan iskuulka u aado.

“Waxaan ku iri: ‘Buugaag iyo qalin qori’. Qarshe wuxuu yiri waa wax fiican balse waa inuu sideyda oo kale uu Cuud kuu iibiyaa.”

‘Shaqa Ibliis’

Xudeydii si degdeg ayuu u bartay uguna soo caan baxay garaacidda Cuudka isaga oo abaalmarinno kala duwan ku muteystay. Wuxuuna u soo noqday Somaliland, kaddibna wuxuu u sii dhaafay Jabuuti ilaa marki dambe laga soo eryo Jabuuti isaga oo lagu eedeeyey inuu qaado heeso kacaan oo siyaasadeysan.

Markale dalkiisa ayuu dib ugu soo laabtay, wuxuuna sida oo kale dhibaato uu kala kulmay laamaha dowliga ee jiray. Ilaa ay mar gaartay in heesihiisa dhanba la mamnuuco laguna tilmaamo “Shaqa ibliis”.

Fannaanku wuxuu mar uu warqad u qoray sirdoonka qaranka ee xilligaasi jiray wuxuu ku yiri: “Aaway weelki weynaa ee ay caanuhu ka buuxeen iyo cawsi aad ii ballan qaadeen?”

Wuxuu sheegay iney su’aashaasi ka careysiisay ninki farriintiisa guddoomay “Wuxuu ii soo diray ereyo kulul oo uu ku leeyahay xumaanta aad waddo haddaad joojin weydo waxaad arki doontoo sumcadda aad Soomaalida dhexdeeda ku leedahay oo xumaatay.”

Sumcaddi iyo magaci weynaa ee uu lahaa waxay Xudeydi u sahashay inuu nin kale oo caan ah l saaxibo. Wuxuuna xusay mid ka mid ah heesihiisa cuudka uu ku garaacay ereydeeda.

Xudeydi wuxuu degganaa magaalada London balse wuxuu u safri jiray caalamka oo dhan, si masraxyo faneed uu hibadiisa ugu soo bandhigo taageerayaashiisa. Xudeydi da’du wax saameyn ah kuma lahayn. Isaga oo 90 jir ah ayuu weli fankiisi soo bandhigayey.

Inkasta oo heer sare uu ku gaaray magaca ‘boqorka cuudka’ haddana ma jecleen in la buunbuuniyo.

Waxaan xusuustaa xaflad abaalmarin lagu guddoonsiinayey oo lagu qabtay London isaga oo la guddonsiiyey abaalmarinta guusaha noolashiisa fanka uu ka gaaray.

‘Aabba aad u fiiican’

Waxaan ka qayb galay bandhig lagu qabtay magalada London.

Waxaana halkaasi ka heesayey fannaanka Soomaaliga ah ee da’da yar Aar Maanta. Xudeydi wuxuu ka soo dhaqaaqay gurigiisa isaga oo sita Cuudkiisa, meesha oo aad ciriiri u ahayd waxaa loo dhigay Kursi wuxuuna billaabay inuu Cuudkiisa uu ka dhawaajiyo, dadki meesha joogay oo dhanna waxay la dhaceen farxad iyo reynreyn.

Suldaan Cali Shire oo ah shaqsi Xudeydi u qaabilsanaa qoridda taariikhdiisa. Wuxuu sida oo kale uu muddo dheer uu soo ahaa arday wax ka barto xirfadda xudeydii wuxuu ku tilmaamay: “qofki arko inuu xusuusanayo horamarka muusika soomaalida uu gaaray wuxuuna ahaa abbe aad u wanaagsan.”

Nadifa Mohammed

Getty ImagesHe started off as a teacher of music, but taught me history, culture and language too. Music poured out of himNadifa Mohamed
Author

Sida oo kale gabar ka mid ahayd ardayda Xudeydii oo lagu magacaabo Nadiifa Maxamed, waxay sheegtay xudeydi iney u ahayd gabadhiisa oo kale.

“Waxweliba ayuu ii ahaa,” ayey tiri. “Wuxuu marki hore ii ahaa macallin muusik, laakiin wuxuu i baray taariikh, dhaqan iyo luuqad. Isaga dhan Muusik socda ayuu ahaa, xataa markuu jikadiisa ku jiro wuxuu farahiisa ku garaacayey Musik.”

‘Guusha sare uu gaaray’

Xudeydi wuxuu yiri badanaa ma suuragaleyso in Muusica iyo siyaasadda la kala saaro, gaar ahaanna xilliga ay xaaladdu adag tahay, sida marki uu talinayey madaxweynihi hore ee wakhtiga dheeraa ee kaligii taliska ahaa Maxamed Siyaada Barre ama colaada sanada badan qaatay ay taagan yihiin, abaaro ama dhibaatooyin kalana ay ka jiraan.”

Barafasoor Axmed Samatar wuxuu yiri ‘”wuxuu ahaa nin waddani ah oo mabaadi’da rayadka ah leh”. “Wuxuuna ahaa artiste farashaxan muusik oo dhammeystiran leh. Wuxuuna muddo ka badan 70 sano uu noo soo bandhigayey kartidiisa dhinaca heesaha uu leeyahay.”

Nadiifa waxay tiri, Xudeydi wuxuu ahaa “marweliba halgamaa jeclaa, shacabku iney helaan xuquuqdooda shaqsi ahaaneed”

Hase yeeshee, xirfaddiisu cidweliba kuma faraxsaneen oo ay waaliddiintiisuba ka mid yihiin, marna kuma farxsanaan jirin xirfaddiisa, tani iyo marki uu yaraa.

“Dhammaantayn dagaal ayaan ku wada jirnay” ayuu yiri Xudeydii. “Waxayna ay ii arkayeen wiil ay dhaleen oo hadda soo baxaya mustaqbalka noolashiisa baab’inayaa.”

Qoraa Nadiifa Maxamed (bidix) waxay Xudeydi u ahayd gabadhiisa oo kale
Image captionQoraa Nadiifa Maxamed (bidix) waxay Xudeydi u ahayd gabadhiisa oo kale

Heesa badan oo uu Xudeydi qaado waxay qayb ka noqdeen hidda raaca soomaalida, soomaalida meel kasta oo ay joogto iyo qabiil kasta oo ay ka soo jeeddaba.

Heesaha caanka ah uu qorayna waxaa ka mid ah hees uu walaalkii u qaaday oo lagu magacaabo ‘Uur Hooyo’.

Ereyada heestana waxaa ka mid ah:

Laba aabe wada dhalay iyo ubad walaala

Arinkii yimaadaba isla kaashanayoo

Isla kaashanaayoo isa siiya gacantee

Indhahaygu nuurkey ku il doogsadeenow

Adna haysku key ladine uur hooyahaygow

Dhabarkii adoogeey kii laga abuurow

Naas iyo abaydimo kii ila wadaagow

Sideen kuu illawaa ma ahaan karaysee?

Indhahaygu nuurkey ku il doogsadeenow

Adna haysku key ladine uur hooyahaygow

Waayaha adduunkaa ina kala fogeeyoo

Anna kali ahaantey u adkeysan maayee

Umal baan la tiicaa isma dhaano madigee

Indhahaygu nuurkey ku il doogsadeenow

Adna haysku key ladine uur hooyahaygow

Naftu waa amaanee aaskayga geerida

Aday bud dhigaayo igu gacan dambeeye

Dhaxalkayga aadmiga kii ugu dhawaayow

Indhahaygu nuurkey ku il doogsadeenow

Adna haysku key ladine uur hooyahaygow

Heessihiisa iyo qaabka uu xirfaddiisa u gudbiyaba waxay ahayeen kuwa dhaqanka midnimada ku saleysan oo uu wax saameyn ah u geysanin dagaalki sokeeya ee 30-ka sano socday.

“Bahda fanka Soomaalida si aad ah ayey uga murugoodeen geerida ku timid fannaanka, laxamista, musikistaha aabbaha fanka Soomaalida Maxamuud Ismaaciil Xuseen (Macallin Xudaydii) iyaga oo u arkay iney waayeen tiirka dhaqanka ma guuraanka ee Soomaalida” ayuu yiri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*