26th November 2021  admin  Category :

Bani’aadamka waxaa jira dad badan oo deeggaan aysan laheen u guuray waqtiyo badan ka hor, dabadeedna ku carruur dhalay, kunna tarmay boqolaal sanno kadib. Hadaba, haddii dadkii ku abtirsanayey Boqortooyadii Sanaag ay yimaadaan deeggaanadii ay  ka soo jeedeen awoowayaashood ma ahan mid ay tahay in lala yaabo..

Hadaba, beesha Warsangeli oo laheed boqortooyo soo jireen ah, lagana qoray buugaag badan, maxaa diiday ineey sida boqortooyada Ingiriiska oo dadkeedu maanta ay deggan yihiin Australia, Canada, Mareeykanka, iyo New Zealand ay iyaguna dadkooda u deggaan dhul kalla duwan. La yaab ma ahan in beesha Warsangeli Abgaal iyo dadyoowgii kalle ee ku tarmay dalka gudihiisa iyo dibbeddiisaba ay maanta dib ugu soo laabtaan gurigooda.

Arrintan ayaa jawaab waxeey u tahay qoraal uu soo qoray shaqsi lagu magacaabo Aadan Cabdi Ciidle oo ah nin Isaaqa, kaas oo kalla garan waayey dhulka beeshiisa ay degto iyo dhulka beesha Warsangeli ay deggaan. Aadan waxaa wanaagsan inuu oggaado ineeysan meesha uu ka hadlayaa aysan aheen Burco iyo Hargeesa, beesha Warsangelina ay u madax bannaan tahay cidda ay dhulkeeda ku soo dhaweeneeso. Hadba maxaa kalifay in shaqsigaan uu ugga hadlo arrintaan si aan munaasib aheen, oo welliba uu aflagaadeeyo dad dadkoodii doonaya ineey dib ulla midoobaan?

Waxa uu yiri shaqsigaan lagu magacaabo Aadan Cabdi Ciidle, “Faji siyaasadeed cusub oolagu wiiqayo wadajirka iyo iskaashiga iyo nabada beelaha soomaalind oo kakala socota muqdisho iyo jabuuti oo ku aadan gobolka sanaag iyo dhaadanaanta bilaadareenka ah ee xukuumada soomaalilnd ka muuqda oo soo ciyaarsiiyay doqmo aan xaarkooda ka kicin shacabaday sheeganayeena hoogbaday o okusoo aadan todobaadkani soomaalilbd gaar ahaan gobolka sanaag.”

Waxaa dhab ah in beesha Isaaq uu ka lumay jihadii ay u socdeen, welibana ay kalla garan la yihiin in maanta dadka aysan waxba isugu jirin, Soomaaliland dhulkii la isku oran jirayna sheekadeeda ay aheed mid mar horre soo dhamaantay.

Aadan Cabdi Ciidle oo ah shaqsi aysan u kalla soocneen farqiga u dhaxeeya Qoraxda iyo Dayaxa ayaa yiri, “Mudo haatan laga joogo laba todobaad ayaa Cabdala kaamilka dalka Jabuuti ninka raysal wasaaraha ka ah dalka jabuuti uu ku dhawaaqay sheeko xariireed ciyaalka loo qaadijiray taasoo sheegaysa inuu toos diyaarad ugutagi doono gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Badhan oo uusheegay inaydagaan qabiilkooda oo uusheegay inay yihiin Warsangali wax Canfar la yidhaahdaana aanay jirin cid reerkooda u diidi kartaana aanay jirin.” Qofka haddii uu dadkii uu ka soo jeeday uu dib ugu soo noqdo ma sheeko xariireedbaa? Maxaase wax weeyn ka dhigay qof dadkiisii dib ugu soo noqday illeen qofkii ma dhihin nabi cusub ayaan ahaye.

Arrintan ayuu ku tilmaamay ineey tahay boog siyaasadeed oo la xoqayo. Meeshan wax siyaasad iyo dagaal toona la yiraahdaa midna ma yaalaan ee waxaa ay tahay arrinta dad dadkoodii dib ulla midoobaya, Maxaa gubaya Aadan Cadbi Ciidle oo waxaas oo af lagaada ah ku xanbaaray? Isagoo hadlka sii watana waxa uu yiri, “Arintaasi oo boog siyaasadeed oo la xoqayo si laysugu diro beelaha soomaalilnd oo hadaan la dhexgalin laga guulaysan karayn waxaana si anshaxa siyaasada ka fog oo il dabaya si fudud isaga qaatay wasiirka kaluymaysiga oo dadka moodaya qaar isaga ka liita markaad eegto sida damiirka ka aradan ee uu isaga qabsaday xadhig hoolan oo aanu arkayn halka lagasoo shiday.”

Ninkan xannuunsan ayaan la garaneen meesha uu kalla qaaday dadka dadkoodii soo raadsaday. Waxa uuna ninkan isku qaaday meel kasta sida dabeesha xagaaga isaga oo caytamaya ayuu yiri, “Waxaa isla maanta iska hadlay Cali doqonkii raysal wasaaraha ka ahaa soomaaliya waqtigii Cabdilaahi Yuusuf oo si foolxun uga siibtay salaanka siYaasadda Soomaliya isagoo sifudud isaga yidhi waxaantagayaa Badhan iyo Dhahar ee gobolka Sanaag oo uusheegay inuu itagayo dadka deegaankaasi oo uu sheegay inay isir dhaqan wadaagan isagoo soo sheegay inuu yahay nin Warsangali ah oo daga gobolka Sanaag inaanu cidna ugafasax qaadanayn inuu dadkooda utago. Ninkan fanaxda wayn ayaakasoo jeeda qabiilka haye Abgaal warsangali laakiin ujeedo siyaasadeed oo qorshahan kuduugan uu iska dhigayo nin Warsanagli Harti Daarood ah.” Maanta Cali Maxamed Geedi iyo dhamaan dadkii ka tirsanaa boqortooyadii Waresangeli waxeey ku soo noqonayaan deegaankii awoowayaashood ee gobolka Sanaag ninkii hadli lahaa iyo kii dhagaxan ilmeen lahaa labadaba.

“Labadan ficil siyaasadeed ayaa ah kuwa nabadgalyada guud eegobolka halisku ah isla markaana loodhex galikarayo shacabka reer Soomaalilnd ee nabada kuwada nool oo hadaan iyaga layska horkeenin cadawguka guulaysanayn.” Ayuu yiri ninkaas Isaaq. Soomaalida waxeey tiraahdaa “gacanta iyo uur buka ayaa is og” qofka marka uu daalim yahay waxa uu ogyahay qurunka uu gacmaha kulla jiro waayoo ah Isaaq waxeey sheeganayaa dhul iyo dad aysan shaqo isku laheen. Arrintan sheegashada ee dhulka Sool iyo Sanaagna, waa mid la soo afjari doono, Isaaqna waa inuu iimaansadaan dhulka uu illlaahay ku beeray.
Gabagabadiina waxa uu yiri ninkan wareersan, “Hadaba xukuumada soomaalilbd oo dalkan nabadgalyadiisa iyo siyasadiisa loogu dhaariyay madaxwayne Axmad Siilaanyo ayaad moodaa tu aan dhagaheedu wax la iibiyo iyo wax la boobo mooyaane aanay garanayn jIritaankii kalee dawladnimo lahaan lahayd waxaana sidii waxaan jirin dusheeda lagu maleegayaa qorshayaal halisku ah qarankan cadawga badan iyadoo taas badalkeeda laba giijinaysa sacabka cadawga kusoo duulay marka loo eego hadaladii fashilnaa ee uu isaga badhaacinayay wasiir buureed taasoo ku tusaysa in masuuliyiinta xukuumada Siilaanyo galikaraan siYaasad kasta iyagoo aanka baqayn madaxwaynaha oo ay ahayd inuu masuul walba ku ilaaliyo siyaasada guUd eedalka u dajisan Sikastaba ha ahaatee waxaan eegi doonaa siyaasadahan qabiilaysan eelaga sookala maleegay Muqdisho iyo Jabuuti oo ah labada magaalo ee uguneceb jiritaanka shacabka ISAAQ.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*