27th July 2024  admin  Category :

Xildhibaan ka mid baarlamaanka Galmudug ayaa loo magcaabay gudoomiyaha degmada Waaberi, halka inta badan  dadkii xaafadda Waaberi ku dhashay ay gobolka Banaadir ka baryayaan in guryahoodii laga bililiqaystay loo soo cesho iyaga oo horay looga barakiciyey degmadaas
 Maamulka Gobolka Banaadir ayaa  xilkii laga qaaday Gudoomiyihii degmada Waabari Roodo Cabdullaahi Colaad.
Xilka Gudoomiyaha degmada Waabari ayaa waxaa loo Magacaabay Mahad Cilmi oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Mahad Cilmi ayaa kasoo jeedda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo uu kasoo galay Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Xilka ka qaadista Gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho ayaa xowli ku socota, waxaana dhawaan xilkii laga qaaday Gudoomiyihii degmada Hodan Cantoobo, iyadoo oo loo Magacaabay Guddoomiye cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*