26th July 2024  admin  Category :

Cumar Filish oo sheegay in Bandowga Muqdisho madaxda dalka ay hadda ka shirayaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta banaan bax ay dhigaayan dadweyne careysan oo ka gadoodsan askari ka tirsan ciidanka booliska oo xalay labo qof oo shacab ah ku dilay degmada Boondheere.

Guddoomiye Cumar Filish oo banaan baxayaasha kula hadlayay fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa ka dalbaday inay is dejiyaan, isagoo ka tacsiyadeeyay dhibkii dhacay, ayna dowladdu u xirtay askarigii dilka geystay oo xabsi ku jira.

“Waxaan marka hore idin kaga tacsiyadeynaya dhibkii dhacay oo ahaa mid aad u foolxun isla markaana qalbigeyga xanuujisay waana sababta keentay inaan hortiina imaado, sidoo kale madaxda dowlada wey xanuujisay waxeyna diyaar u yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii falkaas arxandara ah geestay”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*