26th July 2024  admin  Category :

BAARLAMANKA PUNTLAND OO ANSIXIYAY ODOROSKA MIISAANIYADDA DOWLADDA EE SANNADKA 2020-KA

Kulanka Baarlamanka ee Sabtida maanta oo ay soo xaadireen 44 mudane, ayaa dhammaantood cod-gacan taag ah ku ansixiyeen Miisaaniyadda, iyadoo aysan jirin cid diidday iyo cid ka aamustay midna.

Odoroska Miisaaniyadda dowladda oo dhan $ $346,416,158.99 oo Dollar, ayaa Golaha Wasiirada Puntland ansixiyeen Arbacadii la soo dhaafay, kadib kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen xarunta wasaaradda Maaliyadda ee caasimadda Garoowe.

Miisaaniyadan oo tii ugu badneyd ah, waxaa ku jira lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe –Bosaaso.

sidoo kale,  waxaa kamida  horumarinta adeegyada bulsho ee as’aasiga ah sida hirgelinta ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda  Amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*