4th October 2022  admin  Category :

Eragyga Soomaali Badan oo caraysani ay maanta ku ciil baxaan oo dhibka haysta oo dhan sabab uga dhigaan inuu u keenay Maxamuud Saleebaan , oo hadda qaar ka mid bulshada gobolka Sanaag siyasiyiintooda ka bilaabeen gobolka Sanaag, ma yahay mid ay beesha Warsangeli ay horay u istcmaali jireen?

Haddii aynu taariikhda Soomaalida labo u kala qaadno:

Xornimaddii ka hor, oo Soomaalidi ahyd reer Guuraan beelo beelo u wada degan , Beel walbana ay lahayd degaan u gaar ah iyo xornimada ka dib iyo markii ay Soomaalidu isugu yimaadeen inay wada dhistaan dawlad ay wada leeyihiin

Qarnigii 15aad, Garaad Cabdale oo ahaa Suldaankii Salddanada Warsangeli, ee xilligaas ka talinaysey inta badan degaanada ay Soomaalidu degaan, ayaa ka guursday Gabadha ka soo jeeday Qoyskii ugu caansanaa waqtigaas beesha Maxamuud Saleebaan ee Majeerteen.

Allah ha u naxariistee garaadka oo markaa qabay afar Xaaas , ayaa bahda cusub waxay noqotay Bah Majeerteen, oo ilaa hadda Duriyaddi ka farcantay loogu yeedhaa “beesha bah Majeerteen. Haddii magaca Maxamuud Saleebaan uu ahaan lahaa magac la isticmaali jiray waqtigaas waxaynu maanta maqli lahayn beesha bah Maxamuud Saleebaan ee Warsangeli.

Colaadihii iyo dagaaladii beelaha Soomaaliya dhexmeri jiray waayadii hore, mar walba dagaaka dhex mari jiray labada beeleed ee walaalaha ah wuxuu ahaa mid u dhaxeeya labada beeleed oo lama kala gur guri jirin ismana kala saari jirin. Lama hayo taariikhda dagaal ay beesha Warsangeli oo wada socotaa ay la gashay jilib ka mid ah beelaha Majeeteen. Dagaalkii ugu danbyeey ee labadan beelood wada galaan sida ku xusan buuga Koora dadab waxa xitaa beesha Majeeteen la socday beelihii Soomaaliyeed ee kale ee la deganaa,

Suugaanta, marka labadan beeleed ay isu gabyi jireen taariikhda sidoo kale Majeerteen iyo Warsangeli ayeey isugu gabyi jireen. Intaasi waa wixii ka horeeyey dawladnimaddii Soomaaliya.

Markii aynu Xornimada qaadanay, oo ay Soomaali isu yimaadeen kana wada hadlayeen sidii ay wax u wada qaybsan lahaayeen , siyaasiyiintii Majeerteen oo wada socda ayaa u yimd Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Qablan, waxayna ka codsadeen hal arin. Waana ka yeelay, waana sababta keentay habdhismeedka dawladda Soomaaliyeed ee aynu maanta maanta haysano ku dhisan tahay iyo cidda kala qaadanaysa madaxda sare ee dawladda Soomaaliya.

Allah ha u wada unaxariistee dhamaantood Ladane Saalax Deer, Cabdirashiid Cali Sharmaake, Muuse Boqor iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen uguma iman Maxamuud Saleebaan ahaan iyo Cali Saleebaan ahaan Cabdulaahi Qablan ee waxay ugu yimaadeen beel ahaan, beeshaas oo ahayd beeshii ay ka soo wada jeedeen ee Majeerteen, Waana garan kartaa miisaanka siyaasadeed ee waqtigaas.

Ugu danbayntii Buurahan idiin muuqda ee loo yaqaan karkaaka marka la dhaafo dhinaca ay beesha Warsangeli ka degan yihiin waxa lagalaa Ardo Majeeeteen ama Ardo Axmed Harti. beelaha deggana waxa ka mid ah Maxamuud Saleebaan, weligaa ka maqli maysid reer guuraaga warsangeli MAGACA MAXAMUUD SALEEBAAN . Hadaba waxaan kula taliln lahaa Wiilasha ka soo dhergay cuqdada iyo ciilka Faysal Cali Waraabe inay marka hore bartaan taariikhdooda , taariikhda beesha Warsangeli lama mid ah tan wiilashan la soo ciilay, maantana lama qorayo . Siyaasiyiinta Warsangeli, qaarka ku awr kacsanaya magaca Maxamuud Saleebaan waxaan leenahay JIIB NOOM TAANI, Majeerteen oo mid ah shaqadayda maaha inaan kala saaro, ilaa beritoba hal dhinac ayeey ka soo wada jeedsanayaana

ALLSANAAG.CCOM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*