26th July 2024  admin  Category :

Dadka ku abtirsada maamulka Hargeeysa ama SNMta ayaa markan u muuqda dad jihadii ay ka luntay. Maanta waxeey la yimaadeen waxaa na aqoonsatay magaalo yar oo ka mid ah gobolka Georgia ee dalkaasi Mareeykanka, lana yiraahdo Clarkston.

Hadaba, magaalada ayaa ah mid yar, dadka ku noolna aysan ka badneen 8,000 oo qof. Magaalada ugu weeyn gobolkaas ayaa ah Atlanta, waxaana ku nool dad gaaraya 450,000 oo qof. Gobolka Georgia waxa uu leeyahay in ka badan 150 magaalo. Haddii gobol Georgia kaligiis uu leeyahay in ka badan 150 magaalo, kontonka gobol ee Mareeykanka imisa magaalo ayeey yeelanayaan?

Shalay waxeey yiraahdeen waxaa na aqoonsaday Cardiff oo ah xaafad ka tirsan Waalishka, maantana Clarkston.

Dalka Mareeykanka waxeey talada ka go’daa Senate ka iyo Congress ka oo ay daba socoto saxiixa madaxweeynaha, wixii intaa ka baxsan waa qof waqtigii iska lumiyey.

Hadaba, arrintan ayaa ah jahwareerin ku socota shacabka masaakiinta ah ee lagu xirtay inta u dhaxeeysa Hargeeysa iyo Burco kuwaas oo aqoonsiga Clarkston looga dhigayo mid ka yimid dalka Mareeykanka. Illaahoow hogaan been ku shaqeeysta ayaan kaa magangalnay.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*