26th April 2024  admin  Category :

Maalmo ka hor waxaan soo qornay maqaal aan ku sheegnay in xildhibaanka golaha degaanka degmada Boosaso ay u xaq u leeyin “Xilligan” beesha Cismaan garaad, oo ay khaldan yihiin siyaasiyiinta kale ee Gaashaanbuureed ee damacu ka soo  galay xilkaas  . Arintaasi guul ayeey ku dhamaatay xildhibaankii golaha degaanka Boosaaso  wuxuu noqday Qof ka soo jeeda beesha Gashaanbuureed, Cismaan Garaad.

Maanta Bulshada ku nool degmada Cawsane,  ayaa waxa haysta jaahwareer ah halka ay ka tirsan yihiin gobolada Sanaag iyo Hayland ee dawladda Puntland  ama degmooyinkii hore a Badhan iyo Dhahar ee gobolka Sanaag

Golaha degaanada degmada Badhan iyo  Buraan kuma jiraan xubno metela bulshada reer  Cawsane.

Juqraafi ahaan, degaanka Cawsane wuxuu hoos tagaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag, Sidaas awgeed xildhibaanada soo socda ee golaha degaanka degmada Badhan waa inay ka helaan saamigooda.

Ugu danbayntii Bulshada reer Cawsanena waa inay u diyaar garoobaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen bulshada kale ee walaaha ah ee ku nool degmada mustaqbalka leh ee Badhan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*