16th October 2024 admin Category :
Muddo kordhin waxay ka hor imaanaysaa Dimuqraadiyada”
Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka Senator Bob Menendez ayaa ku tilmaamay mid ka hor imanayso dimuqraadiyada in muddo kororsi dadban la sameysto.
Qoraal uu barta Twitterka soo dhigay Senator Bob Menendez ayaa ku sheegay in doorasho waqtigeeda la qabto ay muhiim u tahay dimuqraadiyada.
“Doorashada waqtigeeda lagu qabto waxey muhiim u tahay demoquraadiyad caafimaad leh. In la naqshadeesto mudo kordhin waxey ka hor imaaneysaa dimquraadiyadda, waxeyna Soomaalia u horseedi kartaa xasilooni darro.”ayuu ku yiri qoraalkiisa Senatorkan ka tirsan Aqalka Sare ee dowlada Maraykanka.
Timely elections are a critical pillar of healthy democracy. Engineering a term extension is a breach of democratic norms & risks destabilizing Somalia. Stakeholders must reach consensus. Attempts to undermine dialogue on a path to credible polls MUST stop.https://t.co/03psOhEW2r
— Senate Foreign Relations Committee (@SFRCdems) April 12, 2021