26th April 2024  admin  Category :

Afar arrimood ka ogow hoteelkan ay degaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee xalay la weeraray

Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday hoteelka oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ilo dhanka amniga ah u sheegeen warbaahinta.

Dhowr mas’uuliyiinta dowladda iyo shacab kale ayaa la rumeysan yahay inay ku waxyeeloobeen weerarkan.

Faarax Cali, oo ka mid ah dadka ku nool agagaarka xafiiska madaxweynaha ayaa Reuters u sheegay: “Waxaan marka hore maqalnay qarax weyn, kadibna rasaas ayaa xigtay. Waxaan u maleyneynaa in dagaal-yahannadu ay gudaha ku jiraan [hoteelka] waxaanan maqleynaa rasaas la is dhaafsanayo.”

Dhowr dagaal-yahanno ayaa xoog ku galay dhismaha kadib markii ay soo jiireen ayna qarax xooggan ku burburiyeen derbiga,” ayuu sarkaal waaxaha ammaanka ka tirsan u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Halkuu ku yaallaa hoteelka SYL?

Soomaaliya

Hotel SYL wuxuu ku yaal xuddunta dowladda Soomaaliya, halkaas oo kaliya aysan ku oollin madaxtooyadu balse sidoo kale xafiiska Raysal Wasaaraha, guriga Raysal Wasaaraha, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasaaradda Warfaafinta iyo Villa Hargeysa oo ah Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya uu si ku meel gaar ah ugu shaqeeyo, maaddaama aan weli dib loo dhisin xaruntii hore ee baarlamaanka.

Hoteelka la weeraray ee SYL iyo dhammaan xarumaha aan kor ku sheegnay waxay ku yaallaan aag dhuleed oo fidsan qiyaastii 600 illaa 700 oo mitir, amaba haddaan si kale u sheegno; Villa Soomaaliya iyo Hoteel SYL oo ah labada u kala fog intooda, waxaa u dhexeeya qiyaastii shan boos oo kaliya.

Guriga uu deggan yahay raysal wasaaraha ayaa aad ugu dhow hoteelkan ay weerarradu kusoo noqnoqdeen.

Intaa waxaa dheer, in hoteelkan ay inta badan degaan mas’uuliyiinta dawladda iyo dadka aadka loo ilaaliyo wuxuu ku yaallaa afaafka kaliya ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya iyo dhammaan xarumaha aan kor ku xusnay oo aan meel kale lagasoo gali Karin waddooyinkii kalena loo jaray amniga awgii.

ayaa ku dhintay halka intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen.

Qof goobjooge ah oo markaas ay la hadlay BBC-du ayaa sheegay inuu arkay dad badan oo dhaawacmay. Burbur culus ayaa markaas soo gaaray hoteelka.

Hotelka SYL oo ku yaala xarunta madaxtooyada agteeda, ayaa lagu qabtaa shirarka waaweyn, waxaana ku badan saraakiisha dowladda.

Hoteelkan oo markaas la qorshaynayey in lagu qabto shir looga hadlayo amniga ayey ku dhaawacmeen wariyeyaal dhowr ah oo ku sugnaa xilliga weerarku dhacayey.

Waxaa weerarkaas dhacay 2016-kii sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Dagaal-yahannada kooxda ayaa lagu yaqaannaa beegsashada hoteellada, oo uu ka mid yahay SYL oo ay mar kale weerareen sanadkii 2019.

Sanadkii 2022, kooxda ayaa gashay hoteelka Villa Rays oo isla caasimadda ku yaalla, iyagoo halkaas ku dilay ilaa 14 qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*