26th April 2024  admin  Category :

Haysashadii Al-Shabaab ee Hotel SYL oo lasoo afjaray

Haysashadii kooxda Al-Shabaab ee hotel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa lasoo afjaray Jimcaha maanta ah, kadib 13 saac, ayada oo la dilay dhammaan dableydii kooxda, waxaa sidaas xaqiijiyey sarkaal ka tirsan booliska.

Dagaalamayaal hubeysan ayaa weerar rasaas ah xalay ku galay Hotelka SYL, ayada oo Al-Shabaab ay mas’uuliaydda ku sheegatay bayaan ay soo saartay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen saddex askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka, halka 27 qof oo kale ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawaca ah ayaa isugu jira 18 shacab ah iyo 9 askari, sida uu sheegay. Waxa sidoo kale uu sheegay inay jiraan saddex xildhibaan oo uu soo gaaray dhaawac fudud, kuwaas “oo hadda shaqooyinkooda caadiga ah ku laabtay.”

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay toogteen dhammaan dablaydii kooxda Al-Shabaab ee soo weerartay Hoteel SYL, kuwaas oo ahaa shan qof.

“Hadda ma jirto rasaas dhaceysa, ciidamada ammaanka ayaana gacanta ku haya hotelka. Waxaan arkay saraakiil sare oo dowladeed oo ku socda kolonyo baabuur ah oo galay Hotelka,” ayuu yiri goobjooge Saadaq Maxamed.

Dableyda ayaa galay hotelka kadib markii ay xeendaabkii laga sugayey amniga ku burburiyeen qaraxyo, ayuu Axmed Daahir oo ah sarkaal amni u sheegay AFP.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dableyda ay si aan kala sooc lahayn u tooganayeen dadka ku sugnaa gudaha Hotelka.

Al-Shabaab ayaa marar badan weeraray Hotelka SYL, waxaana ugu dambeeyey 2019-kii markaasi oo shan qof lagu dilay.

Faah-faahin dheeraad ah waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*