26th April 2024  admin  Category :

Gudoomiyaha Degmad Waajid Mohamed Moalin Yuusuf ayaa Tacsiyo udiray Abdow Maxamed Muuse (Garmaqaate)Allaha u naxriistee waxaa uu maanta ku geeriyooday Magaalada Waajid waxa uuu ku Dhintay Da’da 98 aad .Waxaa Ku Dhashay Magaalada Baran Gobalka Sanaag 1922.

Waxaa La Shegaa Taarikhda Inuu Kulliyada Tababarka Ciidanka Uu Macalin iyo Tababarre u ahaa Madaxwaynhii Hore Mohamed Siyaad Barre .

Waxaa uu hormuud u ahaa Ciidamada kacaanka ee la keenay Gobalka Bakool gaar ahaan waajid uu illa iyo Burburka Dowlad uusan Meel Ka Aadin illaa Dowladihii isxigay Ee Dalka Soo Maray iyo Jabhadihii intaba waxaa uuu joogay Degmada waajid Ee Gobalk Bakool. Marxuunku lahaa Khibrado iyo Waayo aragnimo Dhanka xeeladaha Ciidamada Kala Duwan waana macalin Dhanka Tababarka iyo Daawooyinka Dhirta .

Waxaa dhabtii Marxuum Abdow Maxamed Muuse (Garmaqaate) lagu Xasuustaa Hadal-hees Taarikhda Galay ee ( YAA DAREESKA NAGA BIXIYAY OO NA RUQSEEYAY ) Oo Jawaab uga Dhigaayay Hadalada Bulshad ee Ahaa “Oday Baad Noqotay Maxaad Dharka Ciidanka Kuu Xiray .Allaha Unaxriistre Maruum Taliye (Garmaqaate ) waxaa uu ahaa axad Wadaniyada Ku Dheerayd iyo Qaranimada Somaliya .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*