26th April 2024  admin  Category :

Soomali badan ayaa lunsashada hantida shacabka ay u tahay wax caadi ah, balse dadka badankiisa waxeey illaaween in la dhimanayo oo aakhiro la aadayo, xoolahaas xaaraanta ahana ay aakhiradooda wax u dhimeeyso. Hadaba, qaar yar oo ka mid ah dadka wax la lunsado ayaa rumeeysan ineey xaaraan cunayaan. Sheeko gaaban ayaa waxeey dhexmartay nin la yiraahdo Jacfar iyo saaxiibkiisa Daacad:

Jacfar: Daacad ninyahoow maalmahaan aad ayaan u naxsanahay.

Daacad: Maxaa kugu dhacay oo aad ka naxsantahay?

Jacfar: Ninyahoow dhimashadii ayaa aad u badatay maalmahaan;

Daacad: Dhimashada welligeed ayeey soo socotay oo wax nagu cusub ma’aha ee adiga waxa aad ka naxsntahay oo kuu gaar ah maxeey yihiin?

Jacfar: Waa anigii hay’adaha u shaqeeyn jiray iyo welliba xilal sare oo aan dawladda ka soo qabtay, marka lacago badan oo aan ka dhacay xiligaas ayaan ka dhistay guryahaa qasriyada ah iyo welliba ganacsiyo badan oo aan qeeybo ku leeyahay;

Daacad: Waan gartay;

Jacfar: Marka xoolaheeygaga oo dhan waa xaaraan, waxaa dhici karta hantida intaa la’eg in aan ku leeyahay oo kalliya boqolkiiba 10, sagaashanka kalle waa hanti shacabka uu lahaa;

Daacad: Haye;

Jacfar: Marka waxaan ka baqayaa inaan dhinto iyadoo hantidii shacabka aan ka dhacay aan heeysto, oo berina ay carruurteeyda intifaacsan donnaan;

Daacad: Marba haddaad ninyahoow garatay inaad xoolo xaaraan ah oo shacabka uu lahaa aad ku nooshahay, waxaan qabaa in iimaankaaga uu welli nool yahay, marka wax kuu bannaan ma jirto oo aan ka aheen inaad xoolahaas celliso;

Jacfar: Ninyahoow ma anigaa meel cidla ah soo istaagi kara, dadka maanta weey iga heebeeystaan, kursigaa la iiga kacaa, raga qaadka ayaan u qaadaa, carruurteeyda jaamacado wannaagsan ayeey wax ka bartaan, qaraabadeeda kalle ayaa iyagana igu hoos nool, marka waxaas oo dhan ayaa meesha ka baxaya hadaan hantida celliyo;

Daacad: Adduunka xoolaha waa la hellaa, balse mar hadii aad dhimato dib u soo noqon meeysid, wixii camal ahaa ee aad sameeysay ayaad illaahay la hortageeysaa, berito carruurta aad Jaamacadaha lacagta xaaraanta aad uga saareeyso waxba ku tari maayaan, ehelka aad xaaraan ka dharjineeyso iyana waxba kuuma qaban karaan, aakhiro mise adduunka, marka go’aanka waa xaggaaga;

Jacfar: Ninyahoow tallo fiican weeye in xoolahan aan iska wareejiyo, illaahayna aan u toobad keeno, intaan aakhiradeeyda seegi lahaa waxaa ii dhaanta inaan jawaan ku seexdo, bariis cadna aan iska cunno.

Daacad: Sidaa sammee xoolo shacab laga xado iyo ku raaxeeysigooda midna faa’iido ma leh, Soomaalidana xoolaha shacabka lunsashadooda dhaqanka ay ka dhigateena illaahay haka madoobeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*